- Bukaan socodka NSW ee daryeelka caafimaad ee degdegga ah ku jira, intooda badani ismay tallaalin
- Kaysaska cusub ee Victoria bulshada ayay ku dhex jireen iyagoo caabuqa qaba
- In ka badan 300 oo farmashi ayaa kusoo biiray barnaamijka tallaalka Queensland
New South Wales
New South Wales ayaa laga diiwaan geliyey 291 keys oo cusub oo COVID-19 ah, kuwaasoo 48 ka mid ahi bulshada ku dhex jireen iyaga oo caabuqa qaba. Haweeney aan is-tallaalin oo lixdameeyo jir ahaa ayaa South West - ga Sydney ku dhimatay.
Birimiyeeradda NSW, Gladdys Berejiklian, ayaa shaacisay in xaafadaha Canterbury iyo Bankstown ay ka muuqan doonan booliis tiro badani, si ay u hubiyaan u hoggaansanaanta amarrada caafimaadka dadweynaha. Canterbury iyo Bankstown ayaa ah meelaha caabuqa ugu badani kasoo baxay.
Sarkaaladda caafimaadka ee NSW, Kerry Chant, ayaa sheegtay in 44 ka mid ah 50-ka bukaan-jiif ee hadda ku jira qaybta daryeelka degdegga ahi aanay is tallaalin, halka, inta hadhayna qaateen hal duritaan oo keliya.
Madaxda NSW ayaa bulshadooda u sheegay inay is tallaalaan. Halkan ka fiiri .
Victoria
Victoria waxaa laga helay 6 keys oo cusub oo COVID-19 ah oo 2 ka mid ah 5-tii August la shaaciyey.
Dhammaan lixda keysba waxaa lala xidhiidhiyey caabuqyadii Delta ee hore loo weriyey, laakiin karantiil kumay jirin intii ay caabuqa qabeen.
Xayiraaddii degdegga ahayd ee shalayto Victoria lagusoo rogayna waxaa sababay labo fiditaan oo kala duwan oo kasoo kala burqaday Hobson Bay iyo Maribyrnong.
Queensland
Queensland waxaa laga diiwaan geliyey 10 keys oo cusub oo COVID-19 ah oo dhammaantood la xidhiidha dib-u-qaraxii horey loo ogaa.
Sarkaaladda caafimaadka ee QLD, Dr Jeannette Young, ayaa sheegtay in aan weli la hubin, in xayiraadda South Queensland dhammaan doonto 8-da August.
Quarantine, travel, testing clinics and pandemic disaster payment
Quarantine and testing requirements are managed and enforced by state and territory governments:
If you want to travel overseas, you may be able to apply online for an exemption. for more information about the conditions to leave Australia. There are temporary measures for international flights that are regularly reviewed by the government and updated on the website.
- News and information over 60 languages at
- Relevant guidelines for your state or territory: , , , , , , .
- Information about the .
Visit the translated resources published by NSW Multicultural Health Communication Service:
Testing clinics in each state and territory:
Pandemic disaster payment information in each state and territory: