- Imtixaanada dugsiga sare ee NSW oo dib loo dhigay ilaa 9 Nofember
- 10 kays ee COVID-19 Victoria mid ayaa ku dhacay qof deggan Shepperton
- ACT oo wax ka badalaysa xanibaadaha saaran ganacsiyada
- Hay'adda Daawooyinka Australia (ATAGI) ayaa ansixisay in talaalka PFizer lagu duri karo caruurta da'doodu u dhaxayso 12-15.
New South Wales
NSW ayaa laga diiwaan galiyay 882 kays oo cusub oo coronavirus ah, iyadoo 80% kaysaska laga helay Galbeedka iyo Koofur Galbeed Sydney. Labo qof oo da'doodu kala ahayd 60 meeyo iyo 90 meeyo jiro ayaa u dhintay cudurka.
Premierad Gladys Berejiklian ayaa ku dhawaaqday qorshe ardaydu fasalada dib ugu noqonayaan:
- Laga bilaabo 25 October - Ardayda Kindergarten iyo sanadka koowaad
- Laga bilaabo 1 November - Sanadaha 2, 6 iyo 11
- Laga bilaabo 8 November - Sanadaha 3, 4, 5, 7, 8, 9 iyo 10
Talaalka ayaa qasan looga dhigayaa dhamaan shaqaalaha iskuulada oo dhan laga bilaabo 8 Nofember, laakiin mudnaanta koowaad ayaa la siinayaa laga bilaabo 6 Nofember.
Victoria
Victoria waxay diiwaan galisay 79 kays oo cusub oo Covid-19 ah oo gobolka gudihiisa la isku qaadsiiyay oo 53 ka mid ah lala xariirinayo kaysas hore halka 25 kays aan la garanayn meesha ay laga soo qaaday.
Ku dhawaad16,000 qof oo deggan Shepparton oo guud ahaan shacabka ku nool ay gaaraan 65,000, ayaa la aaminsan yahay inay guryohooda ku karantiilan yihiin iyadoo dukaano, farmashiyayaal iyo xarumo kale lagu qasbay in xiraan shaqaale yari awgeed.
Australian Capital Territory
ACT waxaa laga helay 21 kays oo cusub oo gobolka gudihiisa la isku qaadsiiyay taasoo tirada guud oo dadka qaba xanuunka gaarsiinaysa 209 kays.
Caasimada dalka ayaa looga dhawaaqay
24 saacadood oo u danbeeyay ee Australia
- Koofur bari Queensland oo sii qafiifinaysa laga bilaabo maanta 4 galabnimo.
- Gudiga Talo Bixinta Talaalka ee Australia ayaa ansixiyay in talaalka PFizer lagu talaalo caruurta da'doodu u dhaxayso 12 ilaa 15.
Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka
Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada:
Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka website.
- War iyo macluumaad ku qoran in ka badan 60 luqadood
- Hagayaasha ku khuseeya ee gobolkaaga: , , , , , , .
- Macluumaad ku saabsan .
Booqo NSW Multicultural Health Communication Service's translated:
.
Goobaha tallaalka ee gobol walba:
Macluumaadka lacagta lagu bixiyo dhibaatada safmareenka ee gobolkaaga: