- NSW ayaa ku dhawaaqday inay tijaabinayso in dadka labada tallaal qaatay ee dibada ka soo noqday guryohooda lagu karantiilo
- Victoria waxay qafiifinaysaa xanibaadaha laga bilaabo caawa habeen barkii
- ACT waxay tallaalka qasab uga dhigaysaa shaqaalaha la shaqeeya dadka waayeelka ah
- Queensland waxay diiwaan galisay kays guri ku karantiilnaa
New South Wales
NSW waxay diiwaan galisay 1,284 oo kays oo cusub iyo 12 qof oo kale ay u geeriyoodeen COVID-19, oo ay ku jiraan labo nin 20 meeyo jir ahaa. Sadex ka mid ah dadka dhintay waxay ahaayeen dad waayeel ah oo ku noolaa xarun dadka waayeelka ah lagu hayo oo ku taal magaalada Dubbo, 7 ka mid ahna ma ay tallaalnayn.
Premierada NSW Gladys Berejiklian ayaa ku dhawaaqday qorshe tijaabo ah oo lagu doonayo in 7 maalmood gurigooda lagu karantiilo dadka safarada ka yimaada oo labada tallaalba qaatay. Qaybta hore ee tijaabada ayaa waxaa ka qayb qaadanaya 175 qof waxaana la filayaa in la bilaabo dhamaadka bishan.
Victoria
Victoria waxaa laga diiwaan galiyay 510 kays oo cusub oo bulshada dhexdeeda la isku qaadsiiyay, hal qofna waa u dhintay caabuqa.
Laga bilaabo caawa habeen barkii, dadka qaatay hal tallaal ama aan tallaalnayn ayaa loo ogol yahay inay qof kale oo kula lugeeyaan ama fariistaan meel dibad ah, halka dadka qaatay labada tallaal ay 5 qof ku kulmi karaan oo labo qoys ka kala socda iyo caruurtooda.
Qorshaha dhamaystiran ee dawlada ee looga baxayo xanibaadaha jiridoona ilaa Nofember ayaa la soo bandhigidoonaa maankinta Axada 19 Sebtember.
Australian Capital Territory
ACT ayaa laga diiwaan galiyay 30 kays oo cusub oo gobolka gudihiisa la isku qaadsiiyay oo ugu yaraan 14 ka mid ah ay bulshada ku dhex jireen iyaga oo xanuunka qaba.
Laga bilaabo maanta, waxaa dhaqan galaya sharci qasab ka dhigaya in shaqaalaha la shaqeeya dadka waayeelka ah ay qaataan tallaalka haddii kale ay soo gali karin goobta shaqada iyagoo ugu yaraan aan qaadan tallaalka koowaad.
24 saacadood ee u danbeeyay iyo Australia oo dhan
- Laga bilaabo todobaadka soosocda, Tasmania ayaa bilaabaysa tijaabo dadka ka imanaya gobolada NSW ee ka baxsan Sydney guryaha lagu karantiilayo. Tijaabadan ayaa socondoonta 30 maalmood.
Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka
Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada:
Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka website.
- War iyo macluumaad ku qoran in ka badan 60 luqadood
- Hagayaasha ku khuseeya ee gobolkaaga: , , , , , , .
- Macluumaad ku saabsan .
Booqo NSW Multicultural Health Communication Service's translated:
.
Goobaha tallaalka ee gobol walba:
Macluumaadka lacagta lagu bixiyo dhibaatada safmareenka ee gobolkaaga: