COVID-19 Update: South Australia oo diiddey macnaha cusub ee 'close contact'

South Australia ayaa diiddey macnaha cusub ee loo sameeyey 'close contact', iyaga oo dib uga noqday aqbalaaddoodii shalayto ee ahayd in 'close contact' tahay marka uu qof, ugu yaraan afar saacadood guri la joogey qof kale oo la xaqiijiyey inuu qabo COVID-19, iyagoo taas beddelkeeda ka dhigtay 15 daqiiqo ii keliya.

Prime Minister Scott Morrison holds a National Cabinet meeting in Canberra, 30 December

Prime Minister Scott Morrison holds a National Cabinet meeting in Canberra, 30 December. Source: AAP Image/Lukas Coch



  • Hoggaamiyayaasha maamul-goboleedyada ayaa isla qaatay macnaha cusub ee ‘’ oo hadda ka dhaqan galay New South Wales, Victoria, ACT iyo Queensland

  • Tasmania ayaa ayaa iyana dhaqan gelin doonta 1-da Jannaayo; Laakiin Western Australi iyo Norther Territory ayaa maalmaha soo socda sheegi doona goorta ay dhaqan gelin doonaan, halka South Austrlia-na diiddey.

  • 'Close contact' hadda waxaa lagu qeexay qofkii qof kale oo guriga, ama meel guri oo kale ah kula nool, la joogey ugu yaraan afar saacadood, qof kale oo la xaqiijiyey inuu COVID-19 qabo.

  • South Austrlia ayaa ka noqotay aqbalkeedii shalayto, iyadoo uu madaxa caafimaadka ee South Australia, sheegay in 'close contact' lagu darayo qof kasta oo qof kale oo COVID-19 qaba la joogey in ka badan 15 daqiiqo.

  • Gobollada badankooda qofka COVID-19 qaba iyo close contact-tiguba waa khasab in ay is xannibaan toddoba maalmood oo ay maalinka lixaad isku baadhaan rapid antigen tests;  Laakiin South Australia qofku wuxuu is xannibayaa 10 maalmood.

  • Tasmania ayaa dadka gobollada kale kasoo gelaya ka joojin doonta PCR test-ga laga bilaabo 1-d Jannaayo

  • Cunug ka da' yar labo sannadood oo COVID-19 qabay ayaa ku dhintay South Australia, in kasta oo aan sababta dhimashada weli la xaqiijin

  • Australia ayaa hadda boqolikiiba 90 dadkeeda 16 jir ka da' weyni qaateen labadii tallaalba.

  • Qiimaha rapid antigen tests ayaa kor usii kacaya, kad dib markii uu dhigaalku gabaabsi noqday, iyadoo la sheegay in farmashi Sydney ku yaallaa halkii xabbo ku iibinayo $25.00

Tirooyinka COVID-19 ee maanta

New South Wales waxaa maanta laga diiwaan geliyey 21,151 keys oo cusub oo COVID-19 ah iyo lix dhimasho, haklka Victoria-a laga diiwaan geliyey 5,919 keys iyo toddoba dhimasho.

Queensland waxaa laga diiwaan geliyey 3,118 keys oo cusub iyo Tasmania oo ah 137 keys.

Tallaabooyink xilligan laga qaadayo COVID-19 oo luqaddaada ku qoran ka hel 


Xannibaadaha Karantiilka ee Gobollada

Socdaalka

Halkan ka hel  iyo COVID-19 iyo macluumaadka socdaalka oo kuu qoran

Kaalmo dhaqaale

Is-beddel baa lagu samaynayaa lacagta taageerada masiibada COVID-19 tallaalka buuxa ee gobolladu gaadho 70 iyo 80 boqoliiba. 


 



 


Goobaha Tallaalada ee gobol kasta:

 
 

Share
Published 31 December 2021 2:47pm
Presented by Abdinur Ismail


Share this with family and friends