- Golaha wasiirrada oo dib u macneeyey 'close contact' kana doodey in la isla jaanqaadsiiyo baadhitaanka COVID-19
- Reer Victoria ayaa dhowaan lacag la'aan ku heli doona Rapid Antigen testing-ka COVID-19, sida uu sheegay wasiiska caafimaadka Victoria, Martin foley, iyadoo and qorshaha qaybta aanay weli dowladdu sii deynin.
- Siddeed keys oo cusub ayaa Khamiistii laga helay jasiirad ku taalla Torres Strait.
- Shaybaadh cuddurrada baadha oo NSW ku yaalla ayaa sheegay inay toddobaadyo ka hore Queensland iyo Victoria uga digeen culayska uu keeni doono baadhitaanka socdaalayaashu
- Omicron-ta COVID-19 ayaa laga yaabaa inay difaacdo nooca Delta ee iyada ka khatarta badan, sida lagu sheegay hordhac kasoo baxay cilmi baadhid lagu sameeyey Helath Resaerch Institute oo ku yaalla Durban, South Africa.
- Madaxa WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in mawjada Omicron iyo Delta ay culays sii saari doonaan qaababka caafimaadka ee durba burburka ku dhow. Wuxuu u ololeeyaa in loo adduunku u sinnaado tallaalada.
Tirooyinka COVID-19
New South Wales waxaa laga diiwaan geliyey 12,226 keys oo COVID-19 ah iyo hal dhimasho. Victoria-na waxaa laga diiwaan geliyey5,137 keys iyo 13 dhimasho.
Queensland waxaa laga diiwaan geliyey 2,222 keys
Tasmania waxaa laga diiwaan geliyey 92 keys
Xannibaadaha Karantiilka ee Gobollada
Socdaalka
Halkan ka hel iyo COVID-19 iyo macluumaadka socdaalka oo kuu qoran
Kaalmo dhaqaale
Is-beddel baa lagu samaynayaa lacagta taageerada masiibada COVID-19 tallaalka buuxa ee gobolladu gaadho 70 iyo 80 boqoliiba.
- Warar iyo macluumaad ku qoran in ka badan 60 luqadood ka hel
- Tilmaamaha ku khuseeya ee gobolkaaga : , , , , , , .
- Macluumaad ku saabsan
Booqo macluumaad la turjumay oo daabacdayt NSW Multicultural Health Communication Service: