COVID-19 update: Xayiraaddii Melbourne oo Toddobaad kale lagu daray

Waa wargelintaadii ugu cusbayd ee Coronvirus-ta Australia ee 11 August 2021

Health staff monitor people after receiving a COVID-19 vaccination at the Royal Exhibition Building in Melbourne,

Health staff monitor people after receiving a COVID-19 vaccination at the Royal Exhibition Building in Melbourne, Tuesday, August 10, 2021. Source: AAP Image/Daniel Pockett

  • Dubbo, New South Wales oo xayiraade lagu soo rogey
  • Shan keys oo cusub oo Victoria laga baadhayo meeshay ka yimaaddeen
Cairns oo oo xayiraaddii laga dul qaaday

Victoria
20 keys oo cusub ayaa laga helay Victoria oo COVID-19 ah, oo 5 ka mid ahi aanay la xidiidhsanayn ilaha la xaqiijiey, halka 6 ka mid ahi, ay bulshada ku dhix jireen iyagoo COVID-19ka qaba. 
Primierka Victoria, Daniel Andrews ayaa sheegay xayiraadda la kordhin doono illaa ugu soo horreyn khamiista bishu tahay 19ka.
 
 
New South Wales
 
New South Wales waxaa laga helay 344 keys oo cusub oo COVID-19 ah oo 65 ka mid ahi kuu dhex jireen bulshada iyaga oo qaba COVID-19ka. 2 qof oo aan tallaalka qaadanin ayaa COVID-9ka awgii u dhintay, kuwaasoo kala aha nin sagaashameeyo jir ah, in nin soddomeeyo jira ah oo qabey arrimo caafimaad oo kale.

Dadweynaha dowlad deegaanka Dubbo ee dhinaca New South Wales, ayaa geli doona xayiraad hal toddobaad ah, laga bilaabo 1da duhurnimo ee maanta, ka dib markii 2 keys oo cusub laga diiwaan geliyey deegaankaas.

Sarkaaladda caafimaaka ee New South Wales, Dr Kerry Chant, in ay 62ka qof  eeku jira gargaarka degdegga ah (intensive care), aanay 57 ka mid  ahi is tallaalin, iyadoo 5 ka mid ahi qaateen duritaankii koowaad oo keliya.

Queensland

Queensland waxaa laga diiwan geliyey 4 keys oo cusub oo COVID-19 ah, kuwaasoo lala xidhiidhiyey dib-u-qaraxyadii awelba jirey, isla markaana karantiil ku jirey muddadii ay COVID-19ka qabeen oo dhan.

 

Xayiraaddi 3da maalmood ahayd ee lagu soo rogay Cairns iyo Yarrabah, ayaa dhammaan doonta maanta 4-ta galabnimo 

Sarkaaladda caafimaadka Dr Jeannette Young, yaa ku adkaysay carruurta da'doodu u dhexayso 12-15 sannandood, ee qaba xannuunno kale, inay isu diiwaan geliyaan tallaalka.

Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka

Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada:


TAS   iyo 
 

Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax  si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka   website.

 






Share
Published 11 August 2021 2:08pm
By SBS/ALC Content
Presented by Abdinur Ismail
Source: SBS


Share this with family and friends