COVID-19 Update: Bukaan-jiifka cisbitaallada oo kordhay iyadoo ay Victoria adkaynayso xannibaadaha

Waa warbixintii ugu cusbayd ee coronavirus-ta Australia

Gold Coast PCR testing line

People wait in line for a covid test at Robina Health Precinct on January 5, 2022 in Gold Coast, Australia. Source: Chris Hyde/Getty Images

  • Dadka Rapid Antigen Test ka arka inay qabaan COVID-19 loogama baahna inay baadhitaan kale oo PCR iska qaadaan, is-beddelkaasna waxaa laga soo saaray shirkii golaha wasiirrada qaranka ee Arbacadii shalayto ahayd dhacay.
  • New South Wales iyo Victoria bukaan-jiifka COVID-19 ee cisbitaallada ayaa aad u kordhay

  • 8-dii  habeennimo ee Arbacadii markii la joogey, waxaa cisbitaallada NSW ku jirey 1,609 qof oo 131 ka mid ahi ku jireen qaybta gargaarka dheeraadka ah.

  • Victoria, 631 oo qof ayaa cisbitaal ugu jira COVID-19, taasoo kasii koradhay tiradii shalay ee ahayd 591. 100 qof ayaa ku jira qaybta gargaarka dheeraadka ah.

  • Queensland waa maanta cisbitaal ku jira  284 qof, taasoo kor uga kacday tiradii shalay ee ahayd 265. 12 qof ayaa ku jira qaybta gargaarka dheeraadka ah. 

  • Victoria ayaa dib loogu soo celinayaa xaddidaadda tirada dadka ee hal meel ku kulmi karta laga bilaabo 11:59 caawa. Sidoo kale waxaa khasab noqon doonta  in Health Department-ka loosoo sheego marka qof laga helo COVID-19.

  • Nin 20 jir oo tallaalkiisii u buuxey, isla markaana aan lahay xaalad caafimaad oo kale, ayaa cisbitaal ugu dhintay COVID-19, sida ay sheegeen NSW health.

  • England ayaa shaacisay in laga bilaabo 4-ta subaxnimo ee 7-da Jannaayo, dadka tallaalkoodu u buuxo iyo carruurta ka da' yar 18-jir, aan looga baahan doonin inay xaqiijiyaan baadhitaan PRC test ah.

Tirooyinka keysaska COVID-19

New South Wales waxaa laa diiwaan geliye 34,994 keys oo cusub oo COVID-19 ah iyo lix dhimasho ah halka Victoria-na laga diiwaan geliyey 21,997 keys iyo lix dhimasho ah.

Queensland waxaa laga diiwaan geliyey 10,332 keys oo cusub oo COVID-19 ah iyo hal dhimasho ah.

Tasmania waxaa laga diiwaan geliyey 751 keyso oo cusub oo COVID-19 ah iyo hal qof oo cisbitaal la dhigay.

Talaabooyinkii u danbeeyay ee looga jawaabayo faafka COVID-19 oo luqadaada ah, .


Quarantine and restrictions state by state

Travel

 and Covid-19 and travel information 

Financial help

There are changes to the COVID-19 Disaster Payment once states reach 70 and 80 per cent fully vaccinated:  






Visit the translated resources published by NSW Multicultural Health Communication Service


Testing clinics in each state and territory

 
 

Share
Published 6 January 2022 3:10pm
Updated 6 January 2022 3:13pm
Presented by Abdinur Ismail


Share this with family and friends