COVID-19 update: Xanibaadihii Sydney oo 4 todobaad lagu daray

Bentleigh Secondary College students are seen returning to school as COVID-19 restrictions are eased across Victoria, in Melbourne, Wednesday, July 28, 2021.  (AAP Image/Daniel Pockett) NO ARCHIVING

Bentleigh Secondary College students are seen returning to school as COVID-19 restrictions are eased across Victoria, in Melbourne, Wednesday, July 28, 2021. Source: AAP Image/Daniel Pockett

  • Xanibaadihii Magaalo waynta Sydney ayaa la dheereeyay oo socondoona ilaa 28 Agoosto.
  • Victoria waxay baaraysaa kays aan kaysas kale lala xariirin.
  • Wax kays ah lagama helin South Australia.
  • Queensland oo wajahaysa labo caqabdood oo COVID-19 ah.

New South Wales
New South Wales ayaa diiwaan galisay 177 kayd oo COVID-19 ah oo gobolka gudihiisa la isku qaadsiiyay, iyadoo hal qog ku geeriyooday. Ugu yaraan 46 kays ayaa bulshada ku dhex jiray iyagoo xanuunka qaba.

Xanibaadaha hadda jira ayaa la sii kordhiyay waqtigooda oo waxay socondoobnaan 4 todobaad oo kala ilaa 28 bishan Agoosto. Sadex gole deegaan oo dheeraad ah oo kala ah Campbelltown, Parramatta, iyo George's River - ayaa hadda xanibaado dhaqdhaqaaqooda lagu sii yaraynayo lagu soo rogay, iyadoo shaqaalaha daruuriga ah oo kaliya ay ka bixi karaan.

Fairfield waxaa ka bixi kara shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa dadka waayeelka ah xanaaneeya, halka Canterbury-Bankstown dhamaan shaqaalaha daruuriga ah looga baahan yahay inay 3 dii maalmoodba mar iska baaraan coronavirus. Sharuuc isku mid ah ayaa saaraan dhamaan magaalo waynta Sydney inteeda kale iyadoo inaad wax soo gadato iyo jimicsi la ogol yahay oo kaliya meel 10 km gurigaaga u jirta.

Victoria
Gobolka ayaa diiwaan galiyay sagaal kays oo Covid-19 ah oo gobolka gudihiisa lagu kala qaaday oo sideed ka mid ah lala xariirinayo kaysas la ogaa. Hal kays ayaa la baarayaa meesha uu ka soo bilowday.

Xanibaadaha qaarkood ayaa wali sii soconaya oo ay ka mid yihiin inay qasab ku tahay dadku inay xirtaan afdaboolka (mask) markasta oo ay goob dibad ama gudaha ah joogaan.

24kii saacadood ugu dambeeyey Australia
  • Sarkaalada ugu saraysa caafimaadka Queensland Dr Jeannette Young ayaa xaqiijisay in 19 ka mid ah 21 qof oo ka shaqeeya markab xamuul laga helay xanuunka Covid-19 iyo nin ay u badan tahay inuu xanuunka qabay uu bulshada Brisbane ku dhex jiray mudo 6 maalmood ah.
  • SA maalintii labaad ayaan wax kaysas ah laga helin.

Karantiil, socdaalka, goobaha baadhidda, iyo lacagta dhibaatada safmareenka

Howlaha karantiilada iyo baaritaanka coronavirus waa maareeya oo fuliya dawladaha gobolada.


Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad dalban kartaa oggolaansho. si aad macluumaad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofidda Australia. Waxaa jira xogo iyo shuruudo ku-meel-gaadh ah oo ku xidhan duullimaadyada caalamiga ah oo si is-dabo-joog ah dowladdu hadba dib ugu qiimayso, xogtaasoo laga helo website-ka 




 War iyo macluumaad ku qoran in ka badan 60 luqadood 



Booqo NSW Multicultural Health Communication Service's translated:

Goobaha tallaalka ee gobol walba:


 
 

Macluumaadka lacagta lagu bixiyo dhibaatada safmareenka ee gobolkaaga:

 
 
 


Share
Published 28 July 2021 2:45pm
By SBS/ALC Content
Source: SBS


Share this with family and friends