COVID-19 Update: Macnaha qofku inuu tallaalka dhamaystay ayaa la badalay

Waa wararkii u danbeeyay ee coronavirus-ka Australia, Febaraayo 11.

Federal Health Minister Greg Hunt

Federal Health Minister Greg Hunt Source: AAP

  • Gudiga Farsamo ee Ka talo bixinta Tallaalka Australia (ATAGI) ayaa ku talisay in laga guuro kalmadaha "Fully Vaccinted' ama "Tallaal buuxa qaba" oo taas badalkeeda la istocmaalo "up to date" ama "dhamaystiran".
  • Dadka Australia ee da'doodu ka wayn tahay 16 sano ayay tahay inay qaataan tallaalka sadexaad ee booster-ka loo yaqaan si loogu tilmaami karo inay tallaalka 'dhamaysteen', halka caruurta ka yar 16 sano wali yihiin kuwo tallaalka 'dhamaystay' haddii ay qaateen labo tallaal oo kaliya.
  • Magac bixinta la badalay ee tallaalka dhamaystay ayay qusaysaa oo kaliya siyaasada COVID-19 ee dalka gudihiisa ee ma saamaynayso qorshayaasha furida xadka caalamiga ah.
  • Taladan cusub ee ka soo baxday Gudiga Talo Bixinta Tallaalka ayaa dhaqan galaya dhamadka bisha Maarso.
  • Dalxiisayaasha dibadda ka imanaya ayaa laga doonayaa oo kaliya inay labo jeer qaateen tallaal si ay dalka u soo galaan, marka xadka caalamiga ah dib loo furo 21 bisha Febaraayo.
  • Wasiirka caafimaadka dawlada federalka Greg Hunt ayaa sheegay in tallaalka sadexaad ee boosterka dadka qasab looga dhigayo shaqaalaha xanaaneeya dadka waayeelka ah ee dalka oo dhan iyadoo la raacayo talooyinka tallaalka ee cusub.
  • Maanta oo Jimco ahna gobolada NSW, Victoria, Queensland iyo South Australia ayaa diiwaan galiyay 48 qof oo u geeriyooday COVID-19.
  • Wasiirka caafimaadka NSW Brad Hazzard iyo madaxa caafimaadka gobolka Dr Kerry Chant ayaa ku biiray saraakiil sar sare oo ka tirsan wasaarada caafimaadka, urur shaqaaleedka caafimaadka iyo quburo kale oo hor tagaya gudiga la xisaabtanka baarlamaanka Jimcada.
  • Qaadidii xanibaadaha NSW iyo caqabadihii dhawaan gobolku wajahay iyo hayadaha caafimaadka ayaa loo kuur galayaa.
  • Xanibadaaha South Australia ayaa caawa la qafiifinayaa iyadoo la kordhinayo dadka isugu imaan kara banaanka baararka qamriga lagu cabo, kalaabyada iyo maqaayadaha.
COVID Stats:

NSW waxaa cisbitaalada COVID-19 ugu jira 1,716 oo bukaan ah oo 108 ka mid ah ay ku jiraan qaybta dadka liita ee cisbitaalada. Waxaa gobolka COVID ugu dhintay 19 qof, waxaana gobolka laga diiwaan galiyay 8,950 kays oo COVID-19 taas oo hoos uga dhacday tiradii Khamiistii oo ahayd 10,130.

Victoria, 553 oo qof ayaa cisbitalaada COVID-19 ugu jira oo 82 ka mid ah ay qaybta dadka liita ku jiraan, 23 ka mid ahna ay mashiin ku neefsadaan. Gobolka ayaa 8,521 kays laga helay COVID-19.

Queensland waxaa COVID ugu geeriyodeen 14 qof iyadoo 5,977 kays oo cusub oo COVID-19 laga diiwaan galiyay 24 saacadood ee u danbeeyay, waxaana 584 qof ay ku jiraan cisbitaalada oo 45 ka mid ah ay ku jiraan qaybta dadka liita (ICU).

Tasmania waxaa laga diiwaan galiyay 552 kays oo cusub. Waxaa cisbitaalada ugu jira COVID-19 16 qof oo hal qof oo ku jiro (ICU).

South Australia waxaa ku COVID-19 ugu geeriyooday labo qof. Waxaana laga diiwaan galiyay gobolka 1,445 kays oo cusub. Waxaa cisbitaalada ku jira 210 bukaan oo 16 ka mid ah ay ku jiraan ICU.

For measures currently in place in response to the COVID-19 pandemic in your language, visit .


A number of states have set up RAT registration forms.

Quarantine and restrictions state by state

Travel

 and Covid-19 and travel information 

Financial help

There are changes to the COVID-19 Disaster Payment once states reach 70 and 80 per cent fully vaccinated:  


 


 

 



Visit the translated resources published by NSW Multicultural Health Communication Service


Testing clinics in each state and territory

 
 

Share
Published 11 February 2022 4:46pm


Share this with family and friends