- Haraadiga caabuqa COVID-19 oo laga helay mid-north coast NSW
- Marka laga reebo Shepparton, gobolada Victoria ee ka baxsan Melbourne ayaa xanibaadaha laga qafiifinayaa.
- ACT oo ku boorinaysa ardayda fasalka 12 aad inay telefoonka wacaan oo waqti lagu duro talaalka ku balansadaan.
New South Wales
NSW ayaa diiwaan galisay 1,480 oo kaysas cusub oo COVID-19 ah iyadoo sidoo kale sagaal qof u dhinteen oo todoba ka mid ah aysan talaalnayn.
Haraadiga caabuqa ayaa laga helay aagaga Bonny hills, halka xaafadaha Glebe, Waterloo, Redfern iyo Marrickville si gaar ah loo magacaabay maadaama ay kaysasku ku kordheen.
Premierad Gladys Berejiklian ayaa sheegtay in 75% dadka deggan NSW ay hadda qaateen talaalka koowaad halka 45% ay labada talaalba qaateen.
Victoria
Victoria waxaa laga diiwaan galiyay maalin kale 221 oo kaysas cusub ah oo 98 kays oo ka mid ah lala xariirinayo kaysas hore loo ogaa.
Laga bilaabo habeen barkii 9 bishan Sebtember xanibaadaha gobolada Victoria ee ka baxsan melbourne marka laga reebo Sheperton ayaa taas oo macneheedu yahay in shanta sababood ee guryaha looga baxayo aysan qusayn iyaga.
Waxaa banaan 10 kun oo fursadood oo lagu balansan karo tallaalka AstraZeneca todobaadka soo socda.
Australian Capital Territory
ACT waxaa laga diiwaan galiyay 20 kays oo cusub oo ugu yaraan 11 ka mid ah iyagoo xanuunka qaba bulshada ku dhex jireen.
Ardayda dhigata fasalka 12 aad ayaa lagu booriyay inay sii balansadaan talaal iyaga loo hormarinayo ka hor 17 Sebtember addoo wacaya lambarka .
24 saacadood u danbeeyay ee Australia
- Dawlada federalka ah ayaa ku dhawaaqday baasaaboor tallaal oo loogu talo galay dadka dibadda u dhoofaya laga bilaabo bisha October iyadoo aan la cadayn marka xadka caalamiga ah ee Australia la furayo.
Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka
Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada:
Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka website.
- War iyo macluumaad ku qoran in ka badan 60 luqadood
- Hagayaasha ku khuseeya ee gobolkaaga: , , , , , , .
- Macluumaad ku saabsan .
Booqo NSW Multicultural Health Communication Service's translated:
.
Goobaha tallaalka ee gobol walba:
Macluumaadka lacagta lagu bixiyo dhibaatada safmareenka ee gobolkaaga: