- Dowladda federaaliga ah ayaa 4 bilood ka dhigaysa muddada u dhexaysa tallaalkii ugu dambeeyey iyo kan tallaal-xoojiyaha (booster), iyadoo qaadatay taladd Australian Technical Advisory Group on Immunisation (ATAGI).
- Wasiirka caafimaadka heer federal, Greg Hunt, ayaa sheegay in muddada labada tallaal u dhexaysa laga dhigayo 4 bilood laga bilaaba 4-ta Jannaayo, ka dibna laga dhigi doono 3 bilooda laga bilaabo 31-ka Jannaayo
- Sarkaalka sare ee caafimaadka, Paul Kelly, ayaa dadka u sheegay in aanay tirada keysasku muhiim ahayn, laakiin ku boorriyey dada inay qaataan duritaankooda tallaal-xoojiyaha
- NSW-na xidhashada face-maska ee gudaha oo laga reebay guryahaya, ayaa khasab laga dhigay laga bilaabo 27-ka December illaa 27-ka Jannaayo.
- Victoria ayaa khamiista amartay in face-maska la xirto, Western Australiana waxay face-maska ku sharciyaysa in loo xirto goobaha dadweynaha ee dedan iyo baraha caweyska illaa 28-ka December.
- Socdaalayaasha Victoriana waxay waajahayaan dib-u-dhac, ka dib markii shaqaale diyaaradeed lagu khasbay xannibaad maalinka chrismas eve-ka.
- Tirada goobaha exposure sites-ka Perth ayaa sii kordhay, iyaduu ay mas'uuliyiintu ku daba joogaan in uu fayrasta fidiyey nin faraysta qabey oo dalxiis ahaa.
TIROOYINKA COVID-19
New South Wales oo laga helay 5,612 keys oo cusub oo COVID-19 ah iyo hal dhimasho ah
Victoria oo laga helay 2,095 keys oo cusub oo COVID-19 ah iyo siddeed dhimash ah
Queensland oo laga helay 589 keys, ACT-na 102 keys iyo Tasmania oo ah 27 keys.
Tallaabooyinka hadda taagan ee lagaga hor tegayo saf-mareenka COVID-19 oo luqaddaada ku qoran ka hel.
Xannibaadaha Karantiilka ee Gobollada
Socdaalka
Halkan ka hel iyo COVID-19 iyo macluumaadka socdaalka oo kuu qoran
Kaalmo dhaqaale
Is-beddel baa lagu samaynayaa lacagta taageerada masiibada COVID-19 tallaalka buuxa ee gobolladu gaadho 70 iyo 80 boqoliiba.
- Warar iyo macluumaad ku qoran in ka badan 60 luqadood ka hel
- Tilmaamaha ku khuseeya ee gobolkaaga : , , , , , , .
- Macluumaad ku saabsan
Booqo macluumaad la turjumay oo daabacdayt NSW Multicultural Health Communication Service: