Howl wadeenada caafimaadka ayaa isku dayay inay la xariiraan 140 qof oo saarnaa doon lagu dalxiiso oo ku sugnayd Sydney Harbour habeenkii Jimcad kadib markii shan kays oo Covid-19 ah la helay. Waxaa laga walaacsan yahay in labo ka mid ah ay qabaan nooca Omicronka ee aadka loo kala qaado.
Ururka Caafimaaka Aduunka ayaa sheegtay in nooca COVID-19 cusub ee Omicron uu u muuqdo inuusan sababin xanuun ka badan noocyadii hore ee COVID-19 laakiin wali taxadar loo baahan yahay.
Hay'ada ugu saraysa arimaha tallaalka Australia, ATAGI, ayaa la filayaa inay ku dhawaaqdo go'aan ku aaddan ansixintii u danbaysay ee tallaalka Pfizer in lagu duro caruurta da'doodu u dhaxayso 5 ilaa 11 sano. Waxaana la filayaa in marka la ansixyo caruurta dadaas jirta la siiyo ka hor inta aysan bilaabin iskuulada sanadka cusub.
COVID Statistics:
Victoria waxaa laga diiwaan galiyay 1,312 kays oo cusub waxaana u dhintay 5 qof.
NSW waxaa laga helay 403 kays oo cusub hal qofna waa u dhintay caabuqa.
Queensland iyo NT kiiba labo kays laga helay halka ACT 8 qof laga diiwaan galiyay.
Karantiilka iyo xanibaadaha saaran gobolada:
Socdaal
Taageerada dhaqaale
There are changes to the COVID-19 Disaster Payment once states reach 70 and 80 per cent fully vaccinated: