COVID-19 Update: Keysaska Australia oo kor u kacaya iyo Golaha Wasiirrada oo u fadhiya qorshaha baadhitaanka.

Keysaska COVID-19 ayaa weli kor usii kacaya Australia oo dhan iyadoo ay Golaha Wasiirradu u fadhiyaan qorshaha baadhitaanka (Testing Plan)

Perrottet presser Vaccination Centre

NSW Premier Dominic Perrottet speaks health workers during a visit to the South Western Sydney Vaccination Centre in Sydney, Wednesday, January 5, 2022. Source: Credit: AAP Image/Bianca De Marchi

l source is:

  • Birimiyeerka NSW, Dominic Perrotter, ayaa qirtay in, inuu caafimaadka NSW, ka jiro culays weyn, ka dib markii gobolka laga diiwaan geliyey 35,054 iyo siddeed dhimasho

  • NSW, tirada dadka cisbitaalka la dhigay ayaa gaadhey 1,491 qof iyadoo kor uga kacday 1,344 oo ay Talaadadii ahay. 119 ayaa hadda fayrasta lagaga daaweynayaa qaybta ICU-da

  • Perrotter ayaa 2.5 million oo qof oo gaadhey muddadoodii, u sheegay inay dhigtaan ballanta xoojiyahooda maanta.
  • Birimiyeerka NSW ayaa sheegay inay ka shaqaynayaan qorshaha sidii carruurtu iskuulka ugu soo laaban lahaayeen maalinka koowaad ee teeramka. Perrottet ayaa sheegay in Rapid Antigen Tests ay qaadan doonto door muhiim ah marka iskuullada lagusoo laabto.

  • Dadka dakhliga yar, ayaa loo raqiisin doonaa qiimaha Rapid Antigen Test, qorshahaas oo maanta lagaga wada hadlaya shirka Golaha Wasiirrada ee uu Ra'iisal wasaaruhu qabanayo.

  •  Ambalaasta Victoria ayaa xalayto ku khasbaanaday inay ku dhawaaqaan "code red" oo macneheedu yahay, in aanay qof kasta u imaan karin, ama si degdeg ah aanay ugu soo gaadhi karin, ka dib markii ay ka farabadatahay baahihda looga qabo magaalo-weynta Melbourne.

  • Maanta oo Arbaco ah, Victoria waxaa cisbitaallada COVID-19 ugu jira 591 qof

  • Angelique coetzee, oo ah guddoomiyah South African Medical Association, ayaa sheegtay in khatarta Omicron ay yar tahay. Tirada dadka Omicron qaba ee ku jira qaybta gargaarka dheeraadka ah, ayaa aad uga hoosaysa tirada kuwii sannadkii hore qabey Delta.

  • Maraykana, hal milyan oo keys ayaa hal maalin laga diiwaan geliyey taasoo dhigtay rikoodh cusub.

Tirooyinka COVID-19

New South Wales waxaa maanta laga diiwan geliyey 35,054 keys oo cusub oo COVID-19 ah iyo siddees dhimasho, halka Victoria-na laga diiwaan geliey 17,636 keys iyo toban iyo kow dhimasho

Queensland waxaa laga diiwaan geliyey 6,781 keys

ACT waxaa laga diiwaan geliyey 810 keys iyo Tasmania oo laga diiwaan geliyey 867 keys.

Talaabooyinkii u danbeeyay ee looga jawaabayo faafka COVID-19 oo luqadaada ah, .


Quarantine and restrictions state by state

Travel

 and Covid-19 and travel information 

Financial help

There are changes to the COVID-19 Disaster Payment once states reach 70 and 80 per cent fully vaccinated:  






Visit the translated resources published by NSW Multicultural Health Communication Service


Testing clinics in each state and territory

 
 

Share
Published 5 January 2022 1:57pm
Updated 5 January 2022 2:04pm
Presented by Abdinur Ismail


Share this with family and friends