Ra'iisal-Wasaare Scott Morrison ayaa shaacayin in macne cusub oo qaran loo sameeyey 'close contact'-ga COVID-19. Macnaha cusub ayay golaha wasiirradu isla aqbaleen maanta (Khamiis 30-ka December)
- 'Close contact' waxaa lagu macneeyey qof la kulmay ama ku dhowaadey qof kale oo guriga la deggan oo la xaqiijiyey inuu qabo COVID-19, ama qof in ka badan afar saacadood la joogey guri ama goob dar-yeel, qof la xaqiijiey inuu qabo COVID-19. Waxaa kasoo hadha oo keliya xaalado gaar ah.
- Haddii qof 'close contact' loo aqoonsado waa inuu qofkaasii isku baadhaa Rapid Antigen Tests (RAT) xataa haddii aanay calaamado ka muuqanin
- Haddii natiijada baadhitaanka RAT uu 'negative' noqdo waa inuu sii wado is-xannibaadda toddobada maalmood ah oo kasoo bilaabanta maalinkii uu soo qaaday COVID-19 ka, isla markaana waa inuu haddana RAT isku baadho maalinka lixaad.
- Haddii natiijada baadhitaanku 'positive' noqdo waa in uu isku baadhaa PCR test.
- Haddii qofka ay ka muuqdaan calaamadaha COVID-19 waa inuu isku baadhaa PCR test oo sii wato is-xannibaadda toddoba maalmood.
- Macnahani wuxuu dhaqan gelayaa caawa saqda dhexe (30/12/2021), wuxuuna ka dhaqan gelayaa: New South Wales, Victoria, Queensland, South Australia iyo ACT
- Xeerarkan cusubi waxay kale oo ku ansaxayaa dadka imminkaba ku jira xannibaad, sida uu Rai'iisal-wasaaruhuu sheegay.
- Tasmania-na wuxuu ka dhaqan gelayaa 1-da Jannaayo. Northern Territory iyo Western Australia-na maalmaha soo socda ayay sheegi doonaan.
- South Australia ayaa ku dhaqmi doonta xeerka cusub, wixii aan ka ahayn muddada xannibaadda oo iyaga u ah toban maalmood.Tallaabooyink
Xannibaadaha Karantiilka ee Gobollada
Socdaalka
Halkan ka hel iyo COVID-19 iyo macluumaadka socdaalka oo kuu qoran
Kaalmo dhaqaale
Is-beddel baa lagu samaynayaa lacagta taageerada masiibada COVID-19 tallaalka buuxa ee gobolladu gaadho 70 iyo 80 boqoliiba.
- Warar iyo macluumaad ku qoran in ka badan 60 luqadood ka hel
- Tilmaamaha ku khuseeya ee gobolkaaga : , , , , , , .
- Macluumaad ku saabsan
Booqo macluumaad la turjumay oo daabacdayt NSW Multicultural Health Communication Service: