Macluumaadka qoraalkan waxaa wax laga badalay 07/12/2020. Wararkii u danbeeyay ee COVID-19 oo luqadaada ah booqo:
Victoria
Kulamada:
- Guriga in laga baxo: ma jirto xanibaad
- Tirada dadka kulmi kara: Ilaa 100 qof ayaa dibadda ku kulmi kara
- Dadka guriga kugu soo booqan kara: Ilaa 30 qof maalintiiba, guryo kala duwan ayay ka kala imaan karaan (Ilamaha hal sano ka yar lama xisaabinayo)
- Xafladaha Chrismaska: Ilaa 30 qof ayaa loo ogol yahay inay guri xaflad uga qaybgalaan.
- Cisbitaalada iyo xarumaha dadka lagu xanaaneeyo: Ma jiraan xanibaado saaran tirada dadka booqanaya iyo waqtiga ay joogi karaan. Cisbitaalada iyo xarumaha waxay soo rogi karaan sharuuc u gaar ah.
Waxaa la qaaday xanibaadihii saarnaa aroosyada, aaska iyo kulamada diimaha laakiin waa inay raacaan sharciga hal qof labadii mitir ee isku wareeg ah.
Shaqooyinka
Haddii aad guriga ka shaqyn karto, waa inaad guriga ka sii shaqayso. Tan ayaa muhiim u ah sidii loo yarayn lahaa dhaqdhaqaaqa, loona xakameeyo faafka COVID-19.
Shaqooyinka ayaa tartiib tartiib dib loogu noqonayaa iyadoo 25% ay xafiisyada ku noqonayaan lana raacayo sharciga 4 mitir oo isku wareeg ah qofkiiba.
Victoria dadku kuma qasbana inay afduub xirtaan marka ay joogaan xafiisyada iyo maqaayadaha.
Dadku waa inay marwalba wataan afduubka ayna xirtaan markay gaadiidka dadweynaha saaran yihiin ama ay ku sugan yihiin xarumaha dukaamada ama meel dad badan joogaan.
Haddii aaddan guriga ka shaqayn karin, shaqada waa aadi kartaa. Markaad shaqada joogto waa inaad amaanka ilaaliso adigoo:
- Si joogto ah aad u dhaqdo gacmahaaga
- Ku qufacdo ama ku hindhisto xusulka gacantaada
- U jirsato ugu yaraan 1.5 mitir dadka kale
Dhamaan ganacsiyadu waa inay leeyihiin qorshaha amaanka COVID-19, oo ay ku jiraan ganacsiyada ka shaqeeya guryaha sida tima jarayaal.
Macluumaad dheeraad ah:
Iskuulada
- Dhamaan iskuulada Victoria dib ayay fasalada ugu noqdeen.
- Jaamacadaha, TAFE, iyo waxbarashada dadka waaweyn waxay dib ugu noqon karaan fasaladii fool ka foolka ahaa.
Macluumaad dheeraad ah:
Safarada iyo gaadiidka
Afduubka waa inaad wadato markasta oo aad xirato marka aad saaran tahay gaadiidka dadweynaha aadna nadaafada ilaaliso, aaddan safrin haddii aad xanunsan tahay.
- Ma jiro xanibaad saaran in qofku sabab uga baxo guriga ama inta uu safri karo.
- Victoria halka aad doonto ayaad fasax ku tagi kartaa.
- Waxaad meel la kiraysan kartaa qof kula nool, saaxiib ama ilaa labo qof saaxiibo kula ah ama qoyskaaga ah iyo caruurtooda oo aan kula noolayn.
- Ma jiraan xanibaado saaran safarada u dhexeeya Melbourne iyo gobolada intiisa kale.
- Waxaa hadda bilowday diyaaradii caalamiga ahaa ee Melbourne ka soo degi jiray.
Ganacsiga iyo madadaalada
Kafeeyada, maqaayadaha iyo baararaka: Xanibaad ma saarna tirada macaamiisha booqon kara, laakiin waa inay raacaan sharciga. Macaamiisha qasab kuma ah inay fadhiyaan si loogu adeego.
Isboortiga dibada lagu cayaaro: Xadidaad ma lahaa laakiin waa inay raacan sharciga 2 mitir oo isku wareeg ah qofkiiba.
Xarumaha lagu jimicsado: Tirada dadka gali kara waxay ku xiran tahay dhulka xaruntu ku fadhido, sharciga 4 mitir oo isku wareeg ah qofkiiba waa inay raacaan marka shaqaaluhu joogaan. Hal qof 8 mitir oo isku wareeg ah marka aan shaqaale joogin.
Ganaax
Ganaax ayaa jira haddii xanibaadaha jira la jabiyo tusaale ahaan haddii kulamo sharci daro ah la sameeyo. Victorianka iskarantiili waaya marka xanuunka laga helo ama la kulmay qof xanuunka qaba.
Macluumaad dheeraad ah:
New South Wales
Goobaha laga helay kaysaskii ugu danbeeyay ee NSW:
- Si degdeg ah isu karantiil ilaa 14 maalmood laga soo bilaabo maalintii u danbaysay oo aad tagtay goob COVID-19 laga helay.
- Isbaar haddii xataa aaddan lahayn calaamadaha lagu garto COVID-19.
- Markale isbaar haddii calaamadaha aad isku aragto.
- Haddii xataa lagaa waayo coronavirus waa inaad 14 maalmood guriga joogto.
Lacagaha fasaxa masiibada faafka
- Shaqaalaha NSW waxay xaq u leeyihiin $1500 lacagaha fasaxa masiibada faafka haddii aysan shaqayn karin waqtiga ay karantiilan yihiin.
- Waa lacag hal mar ah oo lagu caawiyo shaqaalaha iskarantiila 14 maalmood.
Macluumaad dheeraad ah:
Tirada dadka kulmi kara
- Ilaa 50 qof ayaa loo ogol yahay inay guryaha ku kulmaan haddii qaarkood meel dibada ah isticmaalayaan, hase yeeshee waxaa lagu talinayaa inaysan 30 ka badan ku kulmin haddii gurigu uusan qayb dibadda ah lahayn.
- Laga bilaabo 7 Desember ilaa 100 qof ayaa loo ogol yahay inay dibadda ku kulmaan
- Aroosyada, aaska iyo kulmada diimaha waxaa laga qaaday xadidaadii tirada laga bilaabo 7 Desember laakiin waa inay raacaan 2 mitir oo isku wareeg ah.
Shaqooyinka:
Laga bilaabo Isniinta 14 Desember 2020 amaradii caafimaad ee shaqo bixiyayaasha laga doonayay in guryaha laga shaqeeyo ayaa la qaaday.
Iyadoo shaqaaluhu xafiisyada ku noqonayaan, goobaha shaqada waxaa lagu dhiiragalinayaa inay yeeshaan qorshe amaanka COVID-19.
Shaqo bixiyayaasha waxaa lagu dhiragalinayaa in shaqaaluhu waqtiyo kala duwan shaqada bilaaban ama dhameeyaan si cadaadiska looga yareeyo gaadiidka dadweynaha.
Dadka gaadiidka dadweynaha isticmaala waxaa lagu dhiiragalinayaa inay afduubka isticmaalaan.
Shaqaaluhu waa inay guryohooda joogaan haddii ay xanuunsan yihiin ayna iska baaraan xanuunka haddii ay calaamadaha isku arkaan.
Iskuulada
- Ardaygii NSW oo leh astaamaha lagu garto COVID-19 looma ogolaanayo inuu iskuulka kusoo laabto ilaa uu keeno cadayn muujinayso inuu iska baaray lagana waayay coronavirus.
- Xafladaha dhanaadka iskuulka, qalinjabinta ayaan la ogolayn in la qabto.
- Iskuulada waxay qaban karaan kulan loo qabto ardayda sanadka 12aad si loo garowsado dhamaadka iskuulka laakiin waalidiintu kama qayb galayaan.
- More NSW Education:
Safarada iyo gaadiidka
- Dadka NSW uga soo safraya gobolada kale way soo booqon karaan NSW laakiin waa inay raacaan sharuucda gobolkooda markay dib ugu noqdaan.
- Waxaa furan goobaha gawaarida sida guriga oo kale ah lagu xirto iyo goobaha ay dadku teendhooyinka ku xirtaan. Dadka doonayaa inay booqdaan jardiinooyinka qaran waxay ka hubin karaan macluumaad kale
- Booqashada xarumaha dadka waayeelka ah lagu hayo iyo goobaha caafimaadka ayaa la xadiday.
- Macluumaad dheeraad ah:
Ganacsiga iyo Madadaalada:
- Ganacsatada qaarkood waxaa qasab ku ah inay iska diiwaan galiyaan amaanka COVID-19 sida uu qorayo amarka caafimaadka dadweynaha.
- Macluumaad dheeraad ah booqo:https://www.nsw.gov.au/covid-19/covid-safe
- Goobaha lagu jimcsado iyo kalaabyada lagu tunto: Hal qof 4 mitir oo isku wareeg ahba, ugu badnaan 50 qof fasalada jimicsiga ama meesha lagu qoob ka cayaaro (amce floor).
- Istadiyom iyo tiyaatarada (dibada) 100% inta ay qaadaan 2 mitir oo isku wareeg ah qofkiiba; gudahana 75% inta uu qaado.
- Meherada martisoorka ee yaryar (ilaa 200 mitir oo isku wareeg ah) waxaa laga rabaa hal 2 mitir oo isku wareeg ahba gudaha.
- Howlaha isboortiga bulshada waa la ogolaaday.
Meheradaha iyo dadka maamula waa inay haystaan qorshaha amaanka COVID-19 ayna diiwaan galiyaan dhamaan dadka soo gala meheradooda:
Ganaax
- Waa la ganaaxayaa cidii jabisa xanibadaaha jira tusaale ahaa kulamo sharci daro ah.
- Jabinta sharciga caafimaadka dadweynaha ee 2010 waa danbi ciqaab adag mutaysan kara.
Macluumaad dheeraad ah:
Queensland
Tirada dadka kulmi kara
- 50 qof ayaa loo ogol yahay inay guryaha ku kulmaan, 100 qofna meel dibad ah Queensland oo dhan.
- Xafladaha arooska: ilaa 200 qof ayaa ka qayb gali kara aroosyada dhamaan dadku way qoob ka cayaari karaan meel gudaha iyo dibadaba.
- Aaska: ilaa 200 qof ayaa ka qayb gali kara.
- Xarumaha dadka lagu xanaaneeyo: Waad booqon karaa qaraabo lagu xanaaneeyo xarumaha lagu dadka dhimirka qaba, kuwa laga daawaynayo maandooriye iyo qamri.
- Booqashada cisbitaalada: Tirada dadka booqanaya waxaa go'aaminaya cisbitaalka.
Macluumaad dheeraad ah:
Shaqooyinka
Ganacsatadu waa inay:
- Taageeraan in guryaha laga shaqeeyo
- Gurigooda u diraan qofka xanuunsan
- Halkii qofba 2 mitir oo isku wareeg ah
- Sameeyaan calaamado muujinay inta la isu jirsanayo
- Ku shaqeeyaan nidaamka amaanka COVID-19
- Nadiifiyaan meelaha la taabto
- Inay bixiyaan sanitisers
Shaqaaluhuna waa inay:
- Guriga joog haddii aad xanuunsato
- Iska baar xanuunka haddii aad isku aragto calaamadaha
- Mitir iyo bar u jirso dadka kale
- Gacmaha saabuun ku dhaqo markasta
- Dabool qufaca iyo hindhisada
Iskuulada:
- Haddii macalin, shaqaale iskuul ama maamuluhu u arkaan in ilmo xanuunsan yihiin waa inay waalidka la xariiraan oo ay ka codsadaan inay yimaadaan oo ilmaha guriga u qaadaan.
- Waalidku waa inay sida ugu dhaqsaha badan u qaadaan ilmaha.
- Ilmuhu iskuulka kuma soo noqon karaan ilaa xanuunku baxo ama aysan lahayn calaamada xanuunka.
Macluumaad dheeraad ah:
Safarka iyo gaadiidka
- Laga bilaabo 1 Desember 2020 waxaad kaliya oo aad u baahan tahay waa inaad buuxiso Queensland Border Declaration Pass haddii aad 14 maalmood ee u danbeeyay aad soo martay goob xanuunku ku badan yahay ama dalka dibadiisa.
- Qofkasta oo karantiilka dawlada ku jira maadaama uu Victoria ama NSW soo mareen waa laga sii daynayaa karantiilka haddii laga waayo xanuunka laakiin waa inay bixyaan halka ku degayaan Queensland.
- Waa inaad diyaarada ku gasho Queensland haddii aad ka imanayso meel xanuunku ku badan yahay laakiin ogolaansho lagu siiyay. Waxaad u baahan tahay ogolaansho gaar si aad dhulka ku gasho Queensland ama waa inaad tahay darawal gaari xamuul ama shaqaalaha gaadiidka
Macluumaad dheeraad ah:
Ganacsiga iyo madadaalada:
- Gudaha dhismayaasha: Hal qof 2 mitir isku wareeg ah (maqaayadaha, kafeeyada, baararka, madxafyada, goobaha cibaadada, hoolala shirarka, aqalka baarlamaanka) way furan yihiin.
- Xafladaha gudaha: 100% dadka fariisan kara oo tigidhada goostay waase inay dadku xirtaan afduub marka ay galayaan.
- Xafladaha dibadda: 1500 qof ayaa loo ogol yahay waa inay leeyihiin liiska amaanka COVID-19.
- Garoomada furan: 100% dadka fariisan kara waa in garoonku leeyahay amaanka COVID-19.
- Qoob ka cayaarka dibadda: waa la ogol yahay.
Macluumaad dheeraad ah:
Ganaax
- Waa la ganaaxayaa cidii jabisa xanibadaaha jira, tusaale ahaan kulamada sharcidarada ah ama aan xiran afduub marka uu qasab yahay.
Macluumaad dheeraad ah:
South Australia
Tirada dadka kulmi kara:
- 1 qof 4 mitir oo isku wareeg ah meel gudaha ah.
- 1 qof 2 mitir oo isku wareeg ah meel dibadda ah
- Xafladaha lagu qabto guryaha ( ay ku jiraan aroos ama tacsi): 150 qof ugu badnaan 1 qof 2 mitir oo isku wareeg ah.
- Guryaha: 10 qof gurigiiba (haddii aysan 10 qof ka bada deggnayn guriga)
- Goobaha gaarka loo leeyahay: 150 qof ugu badnaan
- Guryaha fasaxa la kiraysto (Holiday accommodation:) Tirada dadka ugu badan oo loo ogol yahay inay seexdaan oo ay go'aamiso maamulka meeshu ugu badnaan 10 qof.
- Booqashada xarumaha lagu xanaaneeyo dadka waayeelka ah xanibaado ayaa saaran.
- Macluumaad dheeraad ah:
Macuumaad dheeraad ah:
Shaqooyinka:
- Inkastoo la qafiifiyay xanibaadaha qaarkood, waxaa dadka lagula talinayaa inayaa guryaha ka shaqeeyaan haddii ay suurogal tahay.
- Goobaha shaqada oo dabacsanaan muujiya waxay sii wadaysaa inay caawiso jawaabta SA ay ka bixinayso COVID-19.
Iskuulada:
Iskuulada South Australian way furan yihiin. Haddii xanuunku ka dilaaco iskuul booqo:
Safarada iyo gaadiidka
- Haddii safrayso ama isticmaalayso gaadiidka dadweynaha, waa inaad qaadato dariiqa ugu fiican ee ugu toosan.
- Safarada SA dhexdiisa ah wax xanibaada ah ma saarna.
- Dadka dalka dibadiisa ka soo dhoofay oo SA soo galaya waxaa la gaynayaa hoteelo wasaarada caafimaadku u qoondaysay si ay u dhamaystaan 14 maalmood oo karantiil ah.
Macluumaad dheeraad ah:
Ganacsiga iyo madadaalada:
- Tirada dadka hal meel ku sugan waa inaysan ka badan 1 qof 2 mitir isku wareeg ah.
- Cuntada iyo cabitaanka lagu gadayo goobta (baararka, baararka, kafeeyada) waa in la isticmaalo iyadoo la fadhiyo, istaaga waa lagu cuni/cabi karaa meel dibad ah.
- Dadka bixiya adeegyada shaqsiga waa inay xirtaan qalabka difaaca ee ku haboon.
- Shaleemooyinka gudaha, tiyaatarada ama goobaha kale ee kuraasta lagu fariisto waa inaysan dadku ka badan 50% inta ay goobti qaado.
Macluumaad dheeraad ah:
Ganaax
- Waa la ganaaxayaa cidii jabisa xanibaadaha jira, tusaale ahaan kulamada sharci darada ah ama qofkii xiran waaya afduubka marka uu qasab yahay.
Macluumaad dheeraad ah:
Western Australia
Tirada dadka kulmi kara:
- Ma jirto xadidaad saaran tirada dadka guryaha ku kulmi kara laakiin la raaco sharciga hal 2 mitir oo isku wareeg ah.
- Sharciga 2 mitir oo isku wareeg ma qusayso xarumaha madadaalada oo tigidhada lagu galo iyo goobaha caabudaada.
- Waxaa xanibaado saaran yihiin bulshooyinka Aboriginalka ee goobaha fogfog degan.
- Waxaa xanibaado saaran yihiin xarumaha dadka waayeelka ah lagu xanaaneeyo.
Macluumaad dheeraad ah:
Shaqooyinka:
- Reer Western Australia waxaa lagu dhiira galinayaa inay shaqooyinka ku noqdaan, haddii aysan xanuunsanahay ama ahayn dad nugul. Haddii aaddan hubin inaad shaqada ku noqoto, la xariir shaqo bixyaaga.
Gooabha shaqaada
- Waa inay ilaaliyaan nadaafada iyo lana kala dheeraado
- Waa in si joogto ah loo nadiifiyo meelaha la taabto oo lagu nadiifiyo jeermis dile
- Gacmaha aan dadka laga salaamin
- Cuntada lagu cuno miiskaaga ama dibadda, ee aan lagu cunin qofka cuntada.
- La yareeyo taabashada cuntada iyo in la wadaago.
Macluumaad dheeraad ah:
Iskuulada:
- Dhamaan ardaydu waa inay iskuulka tagaan, marka laga reebo kuwa xanuuno kale qaba ama xubno qoyskooda ah qabaan xanuuno ka dhigaya dad nugul.
- Waalidiintu waa gali karaan iskuulka marka ay qaadayaan ama dajinayaan caruurta.
Safarada iyo gaadiidka
- WA waxay u gudubtay nidaam maamulka xadka oo amaan ah kuna salaysan talooyinkii u danbeeyay ee caafimaad.
- Sharuudaha xadka WA wuxuu ku xiran yahay hadba inta gobolada Australia ay kaysas diiwaan galiyeen 14 maalmood ee u danbeeyay in celcelis ahaan 5 kays ka yar yahay maalintiiba.
- Safarada guud ahaan WA waa la ogol yahay oo uu ku jiro Kimberley. Wali xanibaadi ayaa saaran bulshooyinka Aboriginalka ee deggan goobaha fogfog.
- Halka ka eeg dadka sharuudaha laga daayay:
Ganacsiga iyo madadaalada
- Ma jiro xadidaad saaran tirada macaamiisha la ogol yahay hase yeeshee sharci 2 mitir oo isku wareeg ah iyo kala fogaansho waa in la raaco. Taas ayaa macneheedu yahay in tiradu ku xiran tahay hadba inta ay goobtu le'eg tahay.
- Xarumaha martisoorka ee waaweyn oo qaadi kara 500 oo qof waa inay tiradaas shaqaalahooda ku tiriyaan.
- Goobaha lagu qamaaro dib ayaa loo furay iyadoo xanibaado lagula heshiiyay.
- Loogama baahna in la diiwaa galiyo macaamiisha maqayadaha iyo kafeeyada
- Xafladaha oo dhan waa la qaban karaa marka laga reebo kuwa waaweyn si muusig fastifaalada.
- garoomada waaweyn sida Optus Stadium, HBF Par iyo RAC Arena waxay ku shaqayn karaan 50% tirada aya qaadi karaan.
- Xafladaha dadku taagan yihiin sida hoolalka riwaayadaha, muusiga tooska ah waa la ogol yahay.
- Tirada ugu badan ee ay qaadi karaan xarumaha madadaalada waa 60% inta ay qaadi karaan.
Macluumaad dheeraad ah:
- Waa la ganaaxayaa cidii jabisa xanibaadaha jira, tusaale ahaan kulamada sharci darada ah ama qofkii xiran waaya afduubka marka uu qasab yahay.
Macluumaad dheeraad ah:
Tasmania
Tirada dadka kulmi kara:
- Dadka guryaha ku kulmi kara: Halkii marba 40 qof oo aysan ku jirin dadka guriga degan.
- Aroosyada, goobaha caabudaada iyo kuwa ganacsiga: Tirada loo ogol yahay waxay ku xiran tahay dhulka uu ku fadhiyo; ugu badnaanse 250 gudaha, 1000 dibadda.
- Booqashada cisbitaalada: Waxaa lagu xadiday ugu badnaan hal qof bukaankiiba halkii marba.
Shaqooyinka:
Dadka waxaa lagula talinayaa inay ka sii shaqeeyaan guryaha markasta oo ay macquul tahay, si loo caawiyo kala fogaanshaha loona yareeyo kulamada dadka.
Iskuulada:
- Dhamaan ardayda caafimaadka qaba waa inay iskuulada tagaan.
- Ardayda qatarta ugu jiri kara COVID-19 waa in lagu taageero inay guriga casharada ku dhigtaan mar kasta oo ay suuro gal tahay. Si aad ugala hadasho la hadal iskuulkaaga oo waydii taageerada ay ku siin karaan.
Safarada iyo gaadiidka
- Waad u safri kartaa meelkasta oo Tasmania gudeheeda ah laakiin waa inaad raacdo xanibaadaha kulamada iyo booqashada guryaha.
- Dadka Tasmania u soo safraya waa inay faahfaahin safarkooda ah iyo cinwaankooda bixiyaan ka hor inta aysan soo galin gobolka si taasu uga caawiso maaraynta COVID-19 ee xadka.
- Meesha qofku soo maray ka hor inta aysan Tas soo galin ayaa laga eegayaa in loo ogolaado iyo in kale.
- Lacag ayaa laga qaadayaa dadka lagu karantiilayo goobaha dawladu u qoondaysay (waxaa jira dad laga dhaafayo).
Ganacsiga iyo madadaalada
- Dhamaan goobaha ganacsi iyo kuwa shaqo waa la ogolaaday inay shaqeeyaan laakiin waa inay fuliyaan qorshayaasha amaanka COVID-19.
- Xadidaadu waa hal qof 2 mitir oo isku wareeg ah.
- Goobaha lagu jimicsado way furan yihiin, waa inay leeyihiin qorshaha amaanka COVID-19 o diirada lagu saarayo dhulka inta uu le'eg yahay, kala gogaanshah, dabagalka iyo nadaafada.
Macluumaad dheeraad ah: .
Ganaax
- Waa la ganaaxayaa cidii jabisa xanibaadaha jira, tusaale ahaan kulamada sharci darada ah ama qofkii xiran waaya afduubka marka uu qasab yahay.
Macluumaad dheeraad ah:
Northern Territory
Tirada dadka kulmi kara:
- Ma jiraan xadidaad saaran tirada dadka ku kulmi kara gudaha ama dibada NT laakiin dadka waxaa lagu dhiiragalinyaa inay kala fogaadaan 1.5 mitir.
- Aroosyada iyo Aaska waa la ogol yahay.
- Kulamada ka badan 100 qof waxay u baahan yihiin inay buuxiyaan liiska sharuudaha COVID-19.
Macluumaad dheeraad ah:
Shaqooyinka:
Iyadoo la raacay awaamiirta caafimaada, ganacsiyada, ururada iyo kooxaha bulshada waa inay:
- Haystaan qorsha amaanka COVID-19, ayna fuliyaan sharuudaha, dibna loo eego 6 bilood oo kasta.
- Waa inaad macamiisha u diyaariso jeermis dile ama meel gacmaha lagu dhaqdo leedahay.
- Diyaariso calaamado tusaya meesha u furan dadweynaha iyo meelaha u furan shaqaalaha una sheegto in dadka ka fakaraan arimahan:
- In la kala fogaado 1.5 metres
- Ka yarayso kulamada 15 daqiiqo haddii aydnaan 1.5 metres kala fogaan karin.
- Nadaafada ilaaliso adoo markasta dhaqanaya gacmaha ama isticmaalaya jeermis dile
- Guriga aad joogto haddii aad xanuunsato isna baarto.
Macluumaad dheeraad ah:
Iskuulka:
Dhamaan ardayda NT waxaa laga filayaa inay iskuulka tagaan.
Macluumaad dheeraad ah:
Safarada iyo gaadiidka:
- Dadka dalka dibadiisa ka imanaya ee soo gala NT waxaa lagu karantiilayaa xarunta karantiilka Howar Springs.
Dadka gobolada ka soo galaya NT.
- Haddii aaddan ka imaan meel xanuunku ku badan tahay uma baahnid inaad is-karantiisho. Liiska meelaha xanuunku ka dilaacay:
- Dhamaan dadka u soo safraya NT waa inay buuxiyaan foomka soo galida 72 saacadood ka hor inta aysan soo galin.
Macluumaad dheeraad ah:
Ganacsiga iyo madadaalada
- jimicsiga, kulamada dibada, dabaasha, kaluumaysiga wa la ogol yahay
- Barkadaha lagu dabaasho, goobaha caruurtu ku cayaarto waa furan yihiin.
- Kafeeyada, maqaayadaha, baararka, madxafyada iyo dhamaan ganacsiyada kale waa furan yihiin.
- Tartanada iyo isboortiyada dadweynaha oo dadku daawadaan waa la ogol yahay. haddii dadku ka badan yihiin 500 waa inay ogolaansho gaar ah dalbadaan oo ay leeyihiin qorshaha amaanka COVID-19.
Macluumaad dheeraad ah:
Ganaax
- Waa la ganaaxayaa cidii jabisa xanibaadaha jira, tusaale ahaan kulamada sharci darada ah ama qofkii xiran waaya afduubka marka uu qasab yahay.
- Australia, dadku waa inay isu jirsadaan ugu yaraan mirit iyo bar.
- Haddii aad isku aragto calaamadaha hargabka ama qabowga, gurigaaga joog, wac dhaqtar oo balan la samyso in lagaa baaro xanuunka ama la xariir lambarka macluumaadka coronavirus oo ah 1800 020 080.
- Wararka oo 63 luqadood ah waxaad ka heli kartaa
- Fadlan ka eeg sharuudaha gobolkaaga quseeya: , , , , , , ,