Feature

COVID-19 Australlia:Talaalka iyo macluumaadka aad u baahan tahay oo Afsoomaali ah

SBS waxaa ka go'an in ay idiinsoo gudbiso wararka ku saabsan xanuunka COVID-19 ee dalka ka dilaacay oo Af-Soomaali ah. Qoraalkan dhabta ah waxaa ku jira macluumaad ay tahay in qofkasta oo bulshada ka mid ah uu ogaado.(wararkii u danbeeyay raac lifaaqa hoose)


 

Talaalka COVID-19 ee Australia

Dawlada Australia waxaa ka go'an in dhamaan shacabka Australia ay helaan talaal amaan ah oo wax tar ah sida ugu dhaqsaha badan oo suuro galka ah.

Australia waxay leedahay istaraatiijiyad qaran oo lagu qaybinayo talaalka kaas oo qeexaya: 

  • Dad loogu hurumarinayo talaalka iyo wajiyada kala duwan ee Australia talaalka lagu gaarsiinayo
  • Faahfaahin ku saabsan sida talaalka loo gaar siinayo shaqaalaha safka hore, kuwa ka shaqeeya karantiilka, shaqaalaha xadka, iyo kuwa la shaqeeya dadka waayeelka iyo naafada
  • Meelaha ugu horeeya dalka oo dhan ee talaalka laga hirgalinayo
ka raadi hanaanka talaalka Australia
COVID-19
Source: SBS Somali
Maadaama talaalku bilowga yar yahay, kooxaha mudnaanta koowaad la siinayo bilowga talaalka:

Wajiga 1aad- Talaalka PFizer/BioNTech: Shaqaalaha xadka iyo karantiilka, kuwa safka hore ee caafimaadka, iyo kuwa ka shaqeeya dadka waayeelka ah ee la xanaaneeyo iyo naafada.

Wajiga 2aad- Talaalka PFizer/BioNTech:  Dadka waayeelka ah oo da'doodu ka wayn tahay 70 sano, dadka Aboriginalka iyo Torres Strait Islander da'doodu ka wayn tahay 55 sano, dadka dhalinta yar oo qaba xanuuno kale oo ay ku jiraan naafonimo iyo shaqaalaha qatarta ugu jira in xanuunku ku dhaco oo ay ku jiraan booliska, dabdamiska, ciidanka, shaqaalaha adeegyada degdeg ah iyo kuwa ka shaqeeya hilibka.

Wajiga 3aad- Talaalka AstraZeneca iyo Novavax: Dadka qaangaarka ah oo da'doodu ka wayn tahay 50 sano, dadka Aboriginalka iyo Torres strait islanders da'doodu ka wayn tahay 18 sano iyo shaqaalaha daruuriga ee qatarta ugu jira xanuunka.

Wajiga 4aad- Talaalka AstraZeneca iyo Novavax: Dad qaan gaarka ah oo aan wajiyadii hore lagu talaalin.

Wajigaa 5aad- Talaalka AstraZeneca iyo Novavax: Caruurta da'doodu ka yar tahay 18 sano haddii loo baahdo.

Taagerada la xariirta COVID-19 ee xanuunka dhimirka

Dawlada Australia waxay samaysay taageero loogua talo galay xanuunada dhimirka ee ka dhashay COVID-19 iyadoo samaysay website-ka  oo laga helayo macluumaad iyo tilmaamo ku saabsan sida loo ilaaliyo caafimaadka maskaxda inta lagu jiro faafka coronavirus ama qofku karantiilan yahay.

Dawlada ayaa dadka siinaysa 10 jeer sanadkiiba inuu qofku arki karo dhaqaatiirta maskaxda iyadoo Medicare ay lacagta bixinayso iyadoo la isticmaalayo si dadku u helaan dhaqaatiirta maskaxda ( Psychistrists, Psychologists) iyo kuwo xaafada (GB) iyadoo la raacayo qorshaha

Dibaato dhaqaale (Lacagaha fasaxa masiibada faafka)

Haddii ay ku haysato dhibaato lacageed booqo  ama wac National Debt Helpline on 1800 007 007. 

Dawlada federalka waxay leedahay "Lacagaha masiibada" oo loo bixiyay fasaxa faafka.

Lacagtan ayaa loogu talo galay shaqaalaha aan shaqooda lacag ka helayn markay is karantiilaan ama ay xanaanaynayaan qof xanuunku ku dhacay.

Riix lifaaqayada hoose si aad u hesho macluumaaka lacagaha fasaxa faafka ee gobolkaaga:

Sidee COVID-19 u fidaa, sideese looga hor tagi karaa?

COVID-19 qofba qof ayuu gudbiyaa haddii:

  • Aad ku dhawaato qof qaba caabuqa oo fidinaya xataa ka hor intaysan calaamaduhu kasoo muuqan.
  • Aad ku dhawaato qof la xaqiijiyay inuu qabo xanuunka oo qufacaya ama hindhisaya.
  • Aad taabato shay ama meel (sida miis ama meesha albaabka laga furo) qof xanuunka qaba uu ku qufacay ama ku hindhisay, kadibna aad wajigaaga ama afkaaga taabato.
Waxaad uga hortagi kartaa adigoo: Ilaalinaya nadaafada gacmaha, hindhisada iyo qufaca, dadka ka fogaada marka aad jiran tahay ayaa ah sida ugu fiica ee la isaga difaaci karo. Waana inaad

  • Inaad dadka u jirsato dadka kale ugu yaraan 1.5 mitir aadna raacdo sharciga hal 4 mitir oo isku wareeg ahba.
  • Gacmahaaga oo si joogto ah aad saabuun iyo biyo ugu dhaqdo ka hor iyo ka dib cuntada iyo ka hor iyo ka dib markaad musqusha gasho.
  • Daool qufaca iyo hindhisada isla markiiba tuur tiishuuga, isticmaal jeermis dilaca alkolada ka samaysan ee gacmaha la mariyo.
  • Haddii aad xanuun dareemayso, dadka ha la kulmin (u jirso ugu yaraan 1.5 mitir)
Dawlada Australia waxay kula talinaysaa dhamaan dadku inay soo dajistaan

Haddii aad calaamadaha isku aragto isbaar

Calaamadaha lagu garto coronavirus waxay noqon karaan xanuun fudud ama oof wareen waxayna la mid yihiin kuwa hargabka, waxaana ka mid ah(Xanuun sambabada waxyeeleeya) sida laga soo xigtay websaytka dawlada federalka.

Calaamada lagu garto COVID-19 waxay la mid yihiin kuwa hargabka, waxaana ka mid ah:

  • Qandho
  • Calaamadaha neefmareenka
  • Qufac
  • Cuno xanuun
  • Neefta oo ku dhibta
  • Calaamadaha kale waxaa ka mid ah: sanka oo biyo kaa yimaadaan, madax xanuun, murqaha iyo kala goysyada oo ku xanuuna, labbo labbo, shuban, matag, urka oo kaa luma, dhadhanka oo kaa luma, rabitaankii cuntada oo kaa luma iyo daal.
Dawlada ayaa soo saartay liis calaamadaha lagu garto oo aad isticmaali karto addoo gurigaaga jooga.

Ma jirto daawo gaar ah oo uu leeyahay coronavirus, laakiin calaamadaha intooda badan waxaa lagu daaweeyaa waxyaabo kaalmaati ah. Antibiyootiku waxba kama qaban karto caabuqa.

Haddii aad calaamadaas isku aragto, iska baara COVID-19, ha tagin xarun caafimaad ama cisbitaal adiga oo aan u sii sheegin inaad calaamadaha xanuunka isku aragtay.

Intaadan tagin sii wac xarunta caafimaad ama cisbitaalka una sheeg safarkaaga ama inaad la kulantay qof laga helay COVID-19. Waa inaad isku karantiisho oo aad joogto gurigaaga ama hoteel ilaa maamulayaasha caafimaadku kuu xaqiijiyaan inaad ku noqon karto howl maalmeedkaagii caadiga ahaa.

Haddii aad doonayso inaad qof kala hadasho calaamadaha aad isku aragtay, wac lambarka qaran ee coronavirus oo talo waydiiso.

Lambarkaasi wuxuu waxaa lagaa qabanayaa 24 saacadood 7 maalmood ee asbuuca waana 1800 020 080.

Xagee isku baari karaa?

Riix lifaaqyada hoose si aad u hesho xarumaha caafimaadka ee gobolkaaga:

Hadii lagaa helo COVID-19 waa inaad iskarantiisho:

  • Ha tagin goobaha dadweynaha sida shaqo, iskuul, jaamacad, xarumaha caruurta lagu hayo, goobaha dukaamada 
  • Waa Inaad codsato in cunto iyo waxyaalaha kale ee daruurigaa ah laguu soo gado oo illinka laguu dhigo
  • Ha u ogolaan in lagu soo booqdo, waxaa kuu soo gali kara dadka guriga kula deggan oo kaliya. 
i aad u ogaato riix  in xarun caafimaad oo ay joogaan dhaqaatiir qaabilsan neefmareenka oo kuu dhaw iyo sida balan looga dhigto ama la iskaga diiwaan galiyo.

Haddii neeftu kugu dhagto ama xaalad caafimaad oo degdeg ah aad gasho, wac 000.

Yaa halis u ah xanuunkan?

Dadka qaar uu ku dhaco maba dareemaan, qaarna calaamado yar ayay yeeshaan, markiina si sahlan ayay ugasoooo kabsadaan, qaarna aad ayay ugu xanuunsadaan. Iyadoo la isticmaalayo qibradaha coronavirus-yo hore dadka halista ugu wayn ugu jira caabuqan waxaa ka mid ah:

  • Dadka Aboriginalka iyo Torres Strait Islanders oo da'doodu ka wayn tahay 50 sano oo qaba mid ama dhowr xanuunada aan bixin ah (Chronic Illness).
  • Dadka da'doodu ka wayn tahay 65 sano oo qaba xanuunada aan bixin (Chronic Illness). Xanuunada aan bixin (Chronic Illness) kuwa loola jeedo waa lasii qeexi doona markii cadaymo dheeraad ah la helo.
  • Dadka da'doodu ka wayn tahay 70 jir.
  • Dadka difaaca jirkoodu liito.
domestic violance
Source: SBS

Ma inaan xirtaa afduubka afka iyo sanka lagu xirto?

Gobolada qaarkood waxay ku taliyaan ama sharci ka dhigaan in la xirto afduubka.

Haddii daruufaha gobolkaagu isbadalo waxaa dhici karta in talooyinka iyo awaamiirta afduubku isbadalaan. Waa lagama maarmaan inaad la socoto talooyinkii u danbeeyay ee meesha aad degan tahay.

Si aad ula socoto wararkii ugu danbeeyay ee talooyinka afduubka, kala soco warka dawlada gobolkaaga:

Markaad xiranayso afduubka, waa inaan si sax ah u xirato:

  • Dhaqa ama jeermis dile marso gacmaha ka hor intaa aaddan xiran ama furin afduubka.
  • Hubi in afduubku daboolo sanka iyo afka, waa inuu ka hooseeyo garka qariyana sanka iyo labada daamood ee wajiga.
  • Ha taaban qaybta hore ee afduubka marka aad xiranayso iyo marka aad iska furayso.
  • Ha u ogolaan in afduubku ka lusho luquntaada ama sanka.
  • Mar kale ha isticmaalin afduubka halka mar loogu talo galay; dhaq oo qalaji afduubka marar badan la isticmaalo, kuna hay meel qalalan.

Xanibaadaha socdaalka

Gobolada dalku waxay soo rogi karaan xanibaado iyaga u gaar ah sida inay xadkooda xiraan.

Aruurinta macluumaadka qasabk ah

Laga bilaabo 1 October 2020, waxaa qasab ah in la aruuriyo macluumaadka dadka raacaya diyaaradaha dalka gudihiisa isugu goosha si loogu fududeeyo dabagalka kaysaska coronavirus: waa in dadka laga qoro, magaca, email-ka, lamabraka telefoonka iyo gobolka ay degan yihiin.

Safarada caalamiga ah

Waxaa jira qorshayaal ku meel gaar ah oo loo soo dejiyay duulimaadyada caalamiga ah kuwaa oo ay dawladu markasta dibu eegid ku samaynayso.

Tani waxay saamayn kartaa duulimaadyada Australia soo gala. Macluumaadku waa mid markasta isbadalaya, macluumaad dheeraad ah booqo:

Sharuudaha karantiilka iyo baaritaanka COVID-19 waxaa maamulaya oo hirgalinaya dawlad goboleedyada:

Haddii aad doonayso inaad Australia ka baxdo waxaad online ka codsan kartaa in lagaa daayo in xanibaadu ku qabato haddii aad buuxiso sharuudaha hoos ku qoran:

  • Safarkaagu uu qayb ka yahay dadaalada lagula dagaalamayo faafka COVID-19 oo ay ku jirto in aad gargaar bixinayso
  • Safarkaagu uu lagama maarmaan u yahay gudashada howlo muhiim u ah shirkado ama hay'ado sida ( wax dhoofinta iyo wax soo dejinta)
  • Safarkaagu yahay mid degdeg ah oo aaddan ka baaqsan karin oo ah howlo adaiga kuu gaar ah
  • Safarkaagu yahay mid aad ku raadinayso caafimaad degdeg ah oo aaddan ka heli karin Australia.
  • Mid samafal ama binaadanimo ah.
  • Safarkaagu yahay mid danta qaran ku jirto.
si aad u hesho macluumaad dheeraad oo ku saabsan sharuudaha looga bixi karo


 

 


Share
Published 25 March 2020 3:00pm
Updated 12 August 2022 3:08pm
By SBS Audio, Language Content
Source: SBS


Share this with family and friends