Coronavirus Update Tuesday 21 April

Australia only had recorded of 13 new coronavirus cases on 20 April

Source: Pixabay


Wasiirka caafimaadka dawlada federalka Greg Hunt ayaa sheegay in qalliimada aan daruuriga ahayn dib loo bilaabi doono wixii ka dabneeyay dhamaadka asbuucan maadaama tirada kaysaska coronavirus uu hadda hoos u dhacay.

Mr Hunt ayaa sheegay in dhigagiisa goboladu ay isku raaceen talaabooyin dib loogu bilaabayo qalliinka aan daruuriga ahayn.

Wuxuu wasiirku intaa ku daray inay go'aankan ay qaateen maadaama Australia hadda guulo ka gaartay xakamaynta caabuqa coronavirus.

Dhanka kalana RW Scott Morrison ayaa taageeray baahida loo qabo in baaritaan caalami ah lagu sameeyo sida uu ku soo bilowday coronavirus isagoo sheegay in loo baahan yahay in dalalka caalamku is kaashadaan.

China ayaa diiday baaq lagu doonayo in lagu ogaado siduu xanuunka ugasoo bilowday gobolka Wuhan iyadoo China ay intaa ku dartay in Australia ay dad kale afkooda ku hadlaysao.

RW ayaa sidoo kale ku booriyay shacabka Australia inaysan u isticmaalin in caabuqan loogu marmarsiinyoodo cunsuriyad ka dhan ah dadka Chinese_Australianka ah kadib markii ay kooxo bulshada Chineseka ah ay soo sheegeen inay korortay cunsuriyada lagu beegsado bulshadaas inta uu socday COVID-19.

"Fariinta aan u dirayo dadka waa inay joojiyaan cunsuriyada lagula kacayo dadka Chinese-Australianka ah," ayuu yiri RW Morrisson.

Ardayda gobolka NSW dhamaantood ayaa fool ka fool wax lagu baridoonaa asbuucii hal maalin laga bilaabo 11 bisha May iyadoo tartiib tartiib la gaaridoono inay ardaydu si buuxda fasalada ugu noqdaan dhamaadka bisha July.

Premierada NSW Gladys Berejiklian ayaa sheegtay in iskuulada dawlada kuwa kaatooliga iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay dhamaan aqbaleen qorshahan.

New South Wales ayaa laga helay 6 kays oo cusub kadib markii xanuunka laga baaray 2500 oo qof shalay oo Isniin ahayd.

Queenslandna waxaa lasii wadaa in la baaro dadka la kulmay qof shaqaale ah oo ka shaqaynayay cisbitaalka Cairns oo laga helay xanuunka COVID-19.

Qofkan shaqaalaha ahaa oo xanuunku ku dhacay ayay dhici kartaa inuu la kulmay dad gaaraya 270 qof.

Madaxa caafimaadka Queensland Doctor Jeannette Young ayaa sheegtay in baaritaan balaaran uu socdo laakiin waxay ku boorinaysaa qofkasta oo Cairns deggan oo isku arka calaamadaha xanuunka inuu is baaro.

7 Kays oo cusub ayaa laga xaqiijiyay Victoria waxaana ka mid ah qof ku karantiilan hoteel.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in dadku ay wali ka imaanayaan dalka dibadiisa ayna sidaas darteed u badan tahay in dad kale laga helo xanuunka maalamaha soosocda.

Victoria ayaa sidoo kale hakisay booqashada aan daruuriga ahayn ee dadka damaanada ku jooga ay ku tagaan saldhigyada booliska.

Wasiiradda booliska Lisa Neville ayaa sheegtay in awaamiirtan oo bilaabanaya Jimcada looga difaacayo askarta inuusan ku dhicin COVID-19 oo aysan la kulmin qof qaba xanuunka.

Dhibaatooyinka COVID-19 ayaa galaafatay shirkad wayn kadib markii ay shirkada diyaarada Virgin Australia kacday taasoo qatar galinaysa 16 kun oo shaqaale ah.

Waxaa dalkoo dhan xanuunka ugu dhintay 71 qof iyadoo 6600 oo qof laga helay.

Ku dhawaad 4700 oo qof ayaa ka soo kabsaday xanuunka iyadoo tirada yar ee ugu dhimatay xanuunka Australia iyo tirada badan ee laga baaray caalamka oo dhan laga amaanay.

 


Share
Published 21 April 2020 4:27pm

Share this with family and friends