Dawlada federalka ayaa la gaartay heshiis shirkada diyaarada Qantas si loo soo qaado dad Australian ah oo ku sugan dalalka Peru, Argentina iyo South Africa iyadoo diyaarado qaas ah loo diray.
Kumanaan Australian ah ayaa ku go’doonsan dalka dibada ah oo soo rogay bandowyo la xariira coronavirus iyo xadadka oo ay xirteen.
Wasiirada arimaha dibda Marise Payne ayaa sheegtay in duulimaadyadaas dadka lagu soo daadguraynayo la filayo inay howlgalaan asbuuca soosocda oo ay dabasocdaan diyaarad wada 280 qof oo Australian ah oo maanta oo Khamiis ah kasoo duulaysa dala Peru.
Wasiirada ayaa sheegtay inay heshiisyo gaar ah gashay si loogasoo qaado dadkaas Australianka ah dalalkaasi oo ay sidoo kale ku jiraan Philippines, India iyo Nepal.
Australia ayaa diiwaan galisay koror maalmeedka kaysaska cusub ee coronavirus oo ka hooseeya 100 qof markii u horaysay mudo sadex asbuuc ah.
96 kays oo COVID-19 ah ayaa dalkoo dhan laga diiwaan galiyay 24 saacadood ee u danbeeyay. taaso ah tiradii ugu yarayd lagasoo bilaabo markii la dhaqan galiyay kala fogaanshaha bulshada.
In ka badan 6 kun oo Australian ah ayuu xanuunku ku dhacay iyadoo ay 51 qof ay u dhinteen.
Wasiirka caafimaadka Greg Hunt ayaa sheegay in inkastoo shaqada ay hayaan shaqaalaha safka hore ee caafimaadka iyo edaabka wanaagsan ee shacabku naga caawiyeen xakamaynta faafida xanuunka haddana waxaa wali loo baahan yahay in xanibaadahaas adag ay sii jiraan.
Awooda ay Australia u leedahay in cisbitaaladu ay dad badan galin karaan xaalad degdeg ah haddii loo baahdo ayaa kor loo qaaday iyadoo dawlada federalku u qoondaysay 1.3 bilyan oo doolar in loogu sameeyo 2 kun oo mashiinada dadka neeefta lagu siiyo oo dheeraad ah inta la jiro dhibaatada coronavirus.
Dawlada ayaa heshiis kula gashay koox shirkado ah oo sameeya mashiinka neefta.
Mashiinada ayaa dawlada soo gaari doona bilowga bisha June.
Governor-general-ka ayaa saxiixay sharciga sanduuqa kabidda mushaarooyinka oo qiiimihiisu gaarayo.
Waa sanduuqii dhaqaale ee taariiqda Australia ugu balaarnaa oo laga ansixiyo aqalka Senatka. Wuxuuna maray isagoo aan waxba laga badalin.
Sanduuqan ayaa shirkadaha xaqa u yeesha lagu siinayaa $1500 labadii asbuucba oo ay ku kabana mushaarka shaqaalohooda ee soosocda iyagoo shirkaduhu ku qasban sharciyan inay lacagtaas u gudbiyaan shaqaalohooda.
Dawlada NSW waxay soo rogtay in $5000 la ganaaxo qofkasta oo si ula kac ah ugu qufaca ama candhuuf ku tufa shaqaalaha caafimaadka.
Tan ayaa imanaysa markii ururada shaqaaluhu walaac ka muujiyeen sida loola dhaqmo shaqaalaha safka hore uga jira la dagaalanka coronavirus sida booliska iyo shaqaalaha caafimaadka oo qaar ka mid ah lagu qufacay ama candhuuf lagu tufay iyagoo shaqadooda gudanaya.
Wasiirka caafimaadka NSW Brad Hazzard ayaa sheegay in sharcigan adag uu lagama maarmaan u yahahy si loo xaqiijiyo amaanka shaqaalaha.
"Shaqaalaha safka hore anagoo dhan ayay noo shaqeeyaan, taasi waa xaqiiq. Anaguna waa inaan xanaanayno. Marka $5000 oo ganaax oo isla meesha loogu jaro waxay fariin cad u diraysaa inaan dhamaanteen leenahay hala joojiyo haddii kale $5000 ayaa laguu jarayaa,” ayuu yiri wasiir Hazzard.