Aasaasihi shirkada wayn ee Microsof ahna samafale Bill Gates ayaa canbaarayn dusha uga tuuray Madaxweyne Donald Trump qorshaha uu ku doonayo inuu xanibaadaha ka qaado dhaqaalaha dalka marka la gaaro Ciida Easter-ka. Bill Gate ayaa intaa ku daray inaan dariiq kale noo furnayn oo aan ahayn in lasii wado xanibaadaha iyo is-karantiilka.
Waraysi uu siiyay TED ayuu Mr Gates ku sheegay in bandow adag uu yahay dariiqa kaliya ee lagu xakamayn karo xanuunkan ilaa iyo hadda dilay in ka badan 1000 qof oo Maraykan ah..
“China waxay bandow ku jirtay 6 asbuuc marka waa inaan u diyaar garownaa, si fiicana u fulinaa," ayuu yiri Mr Gates.
Hadalka Mr Gates ayaa imanaya kadib markii Madaxweyne Trump uu sheegay Talaadadii inuu doonayo in ganacsiga dalka sida ugu dhaqsaha badan dib loogu furo marka la gaaro.
“ xanuunka laftigiisa," ayuu yiri.
66,132 kays ayaa la xaqiijiyay Maraykanka iyadoo ururka HWO ayaa ka digtay in Maraykanku noqon karo xudunta xanuunka.