Galabta oo Sabti ah bisha July tahay 4 waxaa bandow adag lagu soo rogay guryaha dawlada ee Flemington iyo North Melbourne oo ay deggan yihiin Soomaali badan.
Tan ayaa imanaysa iyadoo Victoria maanta laga diiwaangaliyay 108 kays oo COVID-19 ah, taasoo ah tiradii ugu badnay wixii ka danbeeyay 28 Maarso.
Ilaa 23 kays ayaa la sheegay in laga helay dadka deggen saraha dhaadheer ee dawlada maalmihii u danbeeyay.
Dawlada ayaa ka furtay goobo lagu baaro xanuunka meelo ku dhaw sarahaas.
Bandowgan ayaa saamaynaya dad gaarayaa 3 kun oo qof oo deggan 1345 guri oo ay ka kooban yihiin 9 ka saraha dhaadheer ee Flemington iyo North Melbourne.
Dawlada ayaa sheegtay in ilaa 500 askar boolis ah la gaynayo xaafadahaas.
Guryaha bandowgan saamaynayo ayaa kala ah:
Flemington postcode 3031: 12 Holland Court, 120 racecourse rd, 130 Racecourse Rd.
North Melbourne postcode 305: 12 Sutton Street, 33 Alfred Street, 9 Pampas Street, 76 Canning Street, 159 Melrose Street.
Premier Danneil Andrews ayaa sheegay in tirada badan ee laga helay saraha dhaadheer ay tahay "wax aan la aqbli karin".
Bandowga ayaa soconayay 5 maalmood laakiin Premierka ayaa sheegay in haddii loo baahdo lasii dheeraynayo ilaa 14 maalmood.
Bandowga noocaan ah ayaa macnihiisu yahay inaan qofna ka bixi karin qofna gali karin sarahaas inta uu socdo bandowgu.
Waxaa jira warar sheegaya inay dhici karto in gabi ahaanba dadka deggan saraha laga baaro xanuunka coronavirus.