App-ka maxaa loogu talo galay?
App-kan waxaa la filayaa inuu hagaajiyo raad raaca kaysaska coronavirus iyo dadka ay la kulmeen. Wuxuu awood u siinaysaa sidii loo aqoonsan lahaa shaqsiyaadka ay dhici karto inay la kulmeen qof qaba xanuunka, kadib marka macluumaadka lagu kaydiyay mobile-ka la siiyo maamulayaasha caafimaadka.
Kulanka ayaa la diiwaan galinayaa haddii qofku u jirsado hal iyo bar mitir qof kale oo App-ku u furan yahay labada qofna ay wada joogaan waqti ka badan 15 daqiiqo.
In qofku soo dajisto COVIDSafe App qasab ma ah oo ikhtiyaar ayuu leeyahay. Dawladu waxay kula talinaysaa dhamaan shacabka Australia deggan oo dhan inay soo dajistaan sababtoo ah haddii dadka soo dajista ay sii bataan waxaa si dhaqso ah loo raad raacayaa caabuqa.
Sidee maamulayaashu u isticmaalayaan macluumaadka lagu kaydiyo COVIDSafe?
COVIDSafe App waxaa loo sameeyay in lagu dedejiyo nidaamka hadda jira ee lagu raadiyo dadka la kulmay qof COVID-19 ku dhacay. Nidaamkan wuxuu yaraynayaa qatarta uu qofku ugu gudbin karo caabuqa qoyska, saaxiibada iyo dadka kale ee bulshada isagoo aan ogayn inuu qabo caabuqa.
Saraakiisha caafimaadka maamul goboleedyada oo kaliya ayaa furan kara macluumaadka App-ka haddii qofka laga helo xanuunka uu u ogolaado in macluumaadka mobile-kiisa ku jira la isticmaalo. Saraakiisha caafimaadku waxay macluumaadka App-ka u isticmaalayaan oo kaliya in loo digo dadka u baahan in la karantiilo ama laga baaro xanuunka.
App-ka COVIDSafe waa App-ka kaliya oo dadka lagu raad raaco oo dawlada Australia ansixisay. Macluumaad dheeraad ah, booqo
Maxay yihiin macluumaadka shaqsiyadeed ee aad la wadaagayso COVIDSafe App?
Marka qofku soo dajisto app-ka, waxay ku buuxinayaan magacooda, lambarka mobile-kooda, lambarka boostada xaafadooda (Postcode) iyo da'diisu inta ay u dhaxayso. Markaas kadibna waxaa qofka loo soo dirayaa fariin xaqiijin ah oo lagu dhamaystirayo soo dajinta app-ka. Nidaamka ayaa markaas samaynaya nambar tixraac ah oo qarsoon oo u gaar ah qofka.
COVIDSafe wuxuu aqoonsanayaa mobile-da kale oo COVIDSafe App leh oo bluetooth u daaran yahay. Markii COVIDSafe app aqoonsado mid kale wuxuu kaydinayaa taariiqda, saacada, inta ay isu jiraan, waqtiga ay wada joogeen iyo lambarka tixraaca gaarka ah app-ka kale. COVIDSafe looguma talo galin inuu kaydiyo goobta qofku joogo.
Dawlada Australia ayaa sheegtay in macluumaadku qarsoon yahay lambar gaar u ahna lagu kaydiyay qofka kale mobile-kiisa taasoo macneheedu yahay inaan qofna qofka kale lambarkiisa ama macluumaadkiisa arki karin. Macluumaadka waxaa la kaydinayaa oo kaliya 21 maalmood taaso macneheedu yahay in maalinta 22 aad uu tirtirmayo.
Maxaa dhacaya haddii qofka App-ka haysta laga helo cornavirus?
Markii qofka laga helo COVID-19 macluumaadka app-ka ku jira ee dadkii la kulmay ah ayaa la galinayaa nidaam amaan ah oo lagu kaydinayo, haddii qofku ogolaansho bixiyo. Saraakiisha caafimaadka gobolka ayaa markaas waxay:
- Isticmaalayaan macluumaadka dadkii qofku la kulmay oo app-ku aruuriyay si ay uga caawiso inay raad raacaan
- Inay dadkaas wacaan oo la socod siiyaan inay dhici karto in xanuunka la qaadsiiyay
- Inay siiyaan talo ku aaddan talaabada ay qaadayan oo ay ku jirto:
- Waxa ay tahay inay ka feejignaadaan
- Goorta, sida, iyo goobaha xanuunka looga baari karo
- Waxa ay samayn karaan is aysan u qaadsiin qoyskooda iyo saaxiibadooda
- Saraakiisha caafimaadku uma sheegayaan qofka xanuunka laga helay