Argagixadii masuulka ahaa weerarkii Masaajidadii Christchurch ayaa lagu xukumay xabsi abad oo uusan wax damaanad ah lagu siidayn karin.
Go'aankan maxkamada ayaa ah kii ugu horeeyay nidaamka sharciyada New Zealand markii ninkan Australianka ah Brenton Tarrant loo diiday xataa suurtogalnimada ah inuu mar kale xoriyad helo kadib markuu ku dilay 51 qof weerarkii sanadkii lasoo dhaafay.
Xaakinka maxkamada Cameron Mander ayaa xukunkan riday maanta oo Khamiis ah kadib 3 maalmood la dhagaystay dadkii qoyskoodi ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarka.
Warar dheeraad ah halkan kala soco.