ACOSS "Lacagaha JobSeeker in la jaro dhaqaalaha uma fiicna"

Planned cuts to social security payments could see the economy lose $31.3 billion and lead to the loss of 145,000 full-time jobs.

The coronavirus pandemic has seen a surge in unemployment amid the economic fallout of the crisis.

The coronavirus pandemic has seen a surge in unemployment amid the economic fallout of the crisis. Source: AAP

In la yareeyo lacagaha JobSeeker iyo lacagaha kale ayaa dhaqaalaha dalku ku luminayaa $31.3 billion iyo waliba 145 kun oo shaqooyin full-time ah labada sano ee soo socota, sida daraasad lagu ogaaday.

Warbixintan ay soo saartay The Deloitte Access Economics maanta oo ah Talaado ayaa waxaa dalbaday oo howlgaliyay Golaha Adeegyada Bulshada Australia.

Lacagaha jobseeker oo hore loo oran jiray Newstart ayaa la kordhiyay oo la labanlaabay markii dawlada federalku soo rogtay dhaqaale lagu kabayo dhibaatada coronavirus bishii Maarso.
Dawlada Morrison ayaa jaraysa lacagahaas 25 bishan Sebtember iyadoo lacagta jobseeker $300 laga jarayo labadii asbuucba.

Iyadoo gabi ahaanba qaybtii lagu kordhiyay Maarso la go'ynayo dhamaadka sanadka laguna celinay jobseeker intay ahayd ka hor coronavirus oo ahayd $40 maalintiiba.

Haddii sida lagu wado la jaro lacagta dhaqaalaha dalku wuxuu ku luminayaa $31.3 billion iyo 145 shaqooyin full-time ah iyo tiro taa la mid ah sanadaha soo sosocda, waxaana dhibka ugu wayn gaarayaa gobolada Victoria ee ka baxsan caasimada Melbourne.
Madaxa Golaha Adeegyada Bulshada Australia (ACOSS) Cassandra Goldie ayaa ku boorinaysa dawlada inay sii dheerayso waqtiga lacagahan loo qabtay ayna sharciyayso lacago jobseeker ah oo waligood socda oo u ogolaanaya in dadku ay helaan nolol maalmeedka asaasiga ah.
A security guard looks on as people are seen in long queue outside a Centrelink office in Abbotsford, Melbourne, Monday, 23 March, 2020.
A security guard looks on as people are seen in long queue outside a Centrelink office in Abbotsford, Melbourne, Monday, 23 March, 2020. Source: AAP
Nicki Hutley oo ka tirsan Deloitte Access Economics ayaa sheegtay in doolar kasta oo dawladu galiso jobseeker waxbaa dhaqaalaha uga soo noqonaya.

"In dadka aan shaqada haysan la siiyo lacag ku filan waa dariiq fiican oo dhaqaalaha lagu kobciyo, sababtoo ah dadku markiiba lacagahaas way qarash garaynayaan," ayay tiri.


Share
Published 15 September 2020 12:28pm
Updated 15 September 2020 12:31pm
Source: AAP, SBS


Share this with family and friends