Victoria waxaa laga diiwaan galiyaya 5 kays oo coronavirus ah 24 saacadood ee u danbeeyay, iyadoo dadka deggan xaafado woqooyiga Melbourne inay is baaraan haddii ay dareemaan calaamadaha lagu garto isku arkaan.
Arday dhigta East Preston Islamic School ayaa xanuunka laga helay. Iskuulka ayaa hadda la xiray ilaa amar danbe iyadoo la nadiifinayo, sidoo kalana dabagal lagu samaynayo cid kasta oo ay dhici karto inay la kulmeen ardayga ayaa socda.
Celceliska kaysaska 14 maalmood ee u danbeeyay Melbourne ayaa hadda hoos u dhacay oo gaaray 6.1. Tirada daka xanuunka ugu dhintay Covid-19 gobolka ayaa gaaray 817.
Wali waxaa gobolka ka jira 10 kays oo aan la aqoon halka ay ka soo bilowdeen.
Xaafadaha ay Wasaarada Caafimaadku digniinta ka bixisay ayaa waxaa ka mid ah Dallas, Roxburgh, Broadmeadows, Preston iyo West Heidelberg, waxaa kaloo ku jira 120 qof oo deggan guryo dawladu leedahay.
"Iskuulku talaabooyin fiican ayuu qaaday si loo maareeyo xaalada, si dhow ayayna noola shaqaynayaan," ayuu qoraal ku sheegay Jeroen Weimar oo gobolka u qaabilsan baaritaanka COVID-19.
"Waxaan u baahan nahay inaan ka wada shaqayno sidii wax looga qaban lahaa caabuqa."
Shaqaalaha iskuulka, ardayda iyo qoysaskooda ayaa iskarantiilaya 14 maalmood.
Austin Health iyo Banyule Community Health ayaa dadka karantiilan guryohooda kula soconaya ama meel kale oo la dajiyay.
"Waxaa socda dabagal balaaran, waxaana filaynaa in kaysas kale soo baxaan," ayuu yiri Mr Weimar.
120 qof ee deggan guryaha dawlada Broadmeadow ayaa loo sheegay inay 48 saacadood iskrantiilaan ayna la socdaan calaamadaha lagu garto xanuunka. Tan ayaa imanaysa kadib markii maamulayaashu la xariiriyeen dadka guryahaas deggan iskuulka kayska laga helay.
Xarun dadka looga baaro xanuunka ayaa laga sameeyay xaafadahaas, waxaana lagu baarayaa xataa dadka aan isku arkin calaamadaha xanuunka.
Qof xariir la lahaa kayska East Preston School ayaa sidoo kale laga ogaaday Dallas Brooks Primary School oo isna sidoo kale la xiray si loo nadiifiyo, talaabadan oo taxadar ah.
Waxaa la bilaabi doona dadka deggan xaafadahaas guryaha lagu garaaco Khamiista si dadka looga digo in xaafadahaas uu xanuunku ka dilaacay, loona siiyo macluumaad ku saabasan goobaha ay isku baari karaan.
Tan ayaa imanaysa kadib markii fariin telefoon loo diray galabtii Arbacada dadka deggan iyo kuwa booqday xafadahaas inay iska baaraan xanuunka.
Victoria ayaa la filayaa inay sii qafiifiso xanibaadaha coronavirus Axadda, kadib 6 maalmood oo isku xiga oo kaysasku ka yaraayeen 5.
People in Australia must stay at least 1.5 metres away from others. Check your jurisdiction's restrictions on gathering limits. If you are experiencing cold or flu symptoms, stay home and arrange a test by calling your doctor or contact the Coronavirus Health Information Hotline on 1800 020 080.
Please check the relevant guidelines for your state or territory: , , , , , , .