36 qof oo COVID-19 ugu geeriyooday NSW iyo Victoria

NSW waxaa COVID-19 ugu dhintay 16 qof maanta oo Tallaado ah, halka Victoria ay 20 ku geeriyoodeen.

A health staff member is seen administering a PCR test at a drive-through COVID-19 testing site at Albert Park in Melbourne.

A health staff member is seen administering a PCR test at a drive-through COVID-19 testing site at Albert Park in Melbourne. Source: AAP

16 qof oo kale ayaa NSW ugu geeriyooday COVID-19 halka 20 kale ay ugu dhinteen caabuqa gobolka Victoria.

Waxaa NSW laga diiwaan galiyay 8,201 kays oo cusub oo COVID-19 maanta oo ah Tallaadoah, tiradan oo 2,017 ka badan tii shalay. Tirada dhimashada ayaa sido kale labo ka badan tii shalay.

Ku dhawaad 48.5% dadka xaqa u leh tallaalka sadexaad ee boosterka ayaa qaatay tallaalka sadexaad.
Victoria waxaa laga diiwaan galiyay 8,162 kays oo cusub oo COVID-19 cases iyadoo 20 qof u geeriyoodeen caabuqa iyadoo ay soo baxayaa macluumaad cusub oo muujinaya waxtarnimada tallaalka sadexaad ee boosterka loo yaqaan.

441 oo qof ayaa cisbitaalada Victoria ugu jira COVID-19, taas oo 24 ka yar tiradii shalay. 67 ka mid ah bukaanka ayaa ku jira qaybta dadka liita ee ICU loo yaqaan halka 14 ay u baahan yihiin inay mashiin ku neefsadaan.

Ku dhawaan 51% dadka reer Victoria ee ka wayn 18 sano ayaa qaatay tallaalka sadexaad.
Wasaarada caafimaadka Vic ayaa shaacisay macluumaad muujinaya in dadka reer Victoria ee sadexda tallaal qaatay ay aad ugu badan tahay in aysan cisbitaal galin hadduu caabuqu ku dhaco ama ay u dhintaan marka loo barbar dhigo dadka labada tallaal qaatay.
With SBS News. 


Share
Published 15 February 2022 12:28pm
Updated 15 February 2022 12:36pm
Source: AAP, SBS


Share this with family and friends